Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shirweyne ay maanta ku qabatay Huteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shaaca kaga qaaday nidaam cusub oo lagu diiwaangelinaayo shirkadaha dhismaha ee gaarka ah iyo shuruucda la xiriirta dib u dhiska xarumaha ee burbursan iyo kuwa la la dayactirayo ee danta guud.

Shirweynaha oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumdda, Xubno ka socda Gudiga Hawlaha Guud ee Barlamaanka, Wasiirro ka socda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, Wakiillo ka socda Galmudug, Hiiran, Shabellaha Dhexe iyo Galguduud ayaa waxaa furay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Inj. Saalax Sheekh Cismaan, waxa uuna sheegay in uu shirkan muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo 25kii sano ee u dambeeyay uu ku socday burbur baaxad weyn.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dadka sida sharci darrada ah dhulka dowladda ku heysta ayaa digniin Wasaaraddu ay usoo jeedisay, waxa ayna sheegtay in dhawaan wareegtooyin sharci ah oo la xiriirta dib usoocelinta dhulka iyo xarumaha dowladda iyo sida loo dhisi doonaba ay soo saari doonto Wasaaradda.
Wasiirka waxa uu sheegay in nabadda ay ka horreyso in qof walba oo Soomaali ah uu deegaan iyo guri helo si markaas kadib nabad loogu wada noolaado. Waxaa kale oo uu sheegay in lasoo dhaweynayo shirkadaha diyaarka u ah in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo shirkadaha Soomaaliyeed.

Madasha shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay filim kooban oo ka sheekeynaayo caqabadaha horyaalla Wasaaradda, waxa ay higsaneyso iyo fursadaha dib u dhiska ee dalka ka jira iyo sida ay Wasaaraddu mug weyn uga geysan lahayd dakhli soo gelinta khasnadda dowladda Federaalka.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy oo kamid ahaa wasiirradii ka qaybgalay shirka ayaa aad usoo dhaweeyay in Wasaaradda Hawlaha Guud la garab istaagayaan sidii ay ugu guuleysan lahayd hawlaheeda.

Dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Cumar Geedi oo soo xiray shirweynahan ayaa sheegay in aysan cidna marti uga noqon doonin hawlaha wasaaradda, ayna dib usoo ceshan doonaan waajibaadka saaran ee ay xukuumadda wakiilka uga yihiin. Mudane Geedi ayaa sidoo kale sheegay in ay degdeg kusoo celin doonaan hantida ma guurtada ah eek u jirta gacanta shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali iyo ajnabi isugu jira.

Go’aamadii shirkaa kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in dhamaan hay’adaha dowladda loogu baaqay in ay wixii dhul, dhisme iyo dayactir hanti guud ah ay Xukuumadda wakiil uga tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta. Sidaas darteed waa in Wasaaradda loo daayo howlaha xukuumaddu ay u idmatay, lagana gudbo isbarbaryaaca ka jira wasaaradaha xukuumadda.
DHAMAAD

unnamed (2)

unnamed (1)

unnamed

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay dalka Qatar. (Sawirro)

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In