Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda howlaha guud oo ka digtay in la dhisto garoonkii LLP Jeenyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa maanta amar ku bixiyay in si deg deg ah ay u joojiyan dad si sharci darro ah u dhisanaayay dhul ay laheyd Wasaaradda howlaha guud gaar ahaan garoonkii kubadda cagta LLP Jeenyo ee Dagmada Yaaqshiid.

Wasiirka howlaha guud iyo ku-xigeenkiisa oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaasi oo maanta howlo kormeer ah ku tegay garoonkii kubadda cagta LLP Jeenyo ee degmada Yaaqshiid, oo ah garoon ay kooxda ugu diyaar garoobi jirtay xilliyada ay ka qeyb galayaan cayaraha heer gobol iyo heer caalami, ayaa markii ay tegeyeen garoonka oo ka socotay dhismooyin sharci darro ah amar ku bixiyeen in la joojiyo dhismahaasi.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Agaasimaha Waaxda Guryeynta ee Wasaaradda Howlaha Guud Xasan Axmed Shirwac ayaa sheegay in garoonka uu yahay mid kooxda ay tababar ku qaadan jirtay, isla markaana aan la ogalaan karin in la iska dhisto.

“Garoonkaas waa garoon weyn oo baaxadisa ay la egtahay 160+120 square, isla markaana darbi weyn ku wareegsanyahay, waxaa iska leh dulkaasi kooxda kubada cagta ah ee LLP Jeenyo Wasaaradsa howlaha guud, uma dul qaadan doonto in la boobo dulalka ay leedahay Wasaaradda” ayuu yiri Agaasimaha

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cismaan ayaa ku amray dadka ku howlan inay dhistaan garoonkii Jeenyo in muddo 24 saac ay ku joojiyaan, isagoo intaa ku daray in ciddii ku adkeysata laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirka waxa uu xusay in dhawaan ay dib u howlgelin doonaan garoonka, si kooxda ay fursad ugu hesho inay tababaro ku qaataan garoonkoodii hore.

Previous Post

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururrada bulshada oo shir yeeshay

Next Post

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo howlo shaqo u tegay Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post
Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo howlo shaqo u tegay Beladweyne “SAWIRRO”

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo howlo shaqo u tegay Beladweyne “SAWIRRO”

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In