Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Wasiirka ayaa u mahadecliyay Dalkom Somalia tallaabada kale ee ay kaga mid noqotay mashruucan ballaaran, iyadoo hore u ahayd shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga badda hoostiisa mara. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay mashruucan mid abuuraya fursado cusub oo dhaqaale, isla markaana wax ka tari doona in dalkeenu uu si fudud ugu xirmo dalal badan oo ganacsi nagala dhexeeyo.

“Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka. Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxaa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,” ayuu yiri wasiirku.

“Dawlad ahaan waxaa nooga aadan waa inaan dhiirrigelino, isla markaana fududeyno maalgashiga noocan oo kale ah, inagoo u abuureyna jawi lagu ilaalinayo maalgashigooda iyadoo loo marayo siyaasado iyo shuruuc ilaalineysa danaha dadka, dalka iyo maalgashatadaba.”

Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), iyadoo lala kaashanayo Dawladda si looga caawiyo arrimaha rukhsadaha iyo sidii maalgelin caalami ah loogu heli lahaa mashaariicdaas. Tallaabooyinka noocaas ah ayuu wasiirku sheegay inay faa’iidada internetka wada gaarsiin doonto dalka oo dhan, soona kordhin doonto hal-abuurro cusub oo ay ka mid tahay in dadweynuhu adeegyada dawladda ay helaan iyagoo aan iman xafiisyada (e-government).

Tags: Bariga Dhexe iyo AfrikaWasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub
Previous Post

Caalamka oo tartan adag ugu jira  soo saarista tallaal loga hortaggayo Corona Virus.

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo agab loogu talagalay ka hortagga COVID-19 ka guddoontay dowladda Qatar “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo agab loogu talagalay ka hortagga COVID-19 ka guddoontay dowladda Qatar “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo agab loogu talagalay ka hortagga COVID-19 ka guddoontay dowladda Qatar “SAWIRRO”

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In