Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caalamka oo tartan adag ugu jira  soo saarista tallaal loga hortaggayo Corona Virus.

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Caalamka oo tartan adag ugu jira  soo saarista tallaal loga hortaggayo Corona Virus.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Caalamka ayaa tartan uga jira sidii lo soo saari laha tallaalka Corona Virus xilli  Mareykanka iyo Yurub laga filayo in ay ku guleeysan karaan soo saarista tallaalkan dhammaadka sanadkan.

Midowga Yurub  ayaa dhawaan ku dhawaaqay in waddamada Yurub ay u fududeeyaan tallaabooyinka go’doominta ee loga gol lahaa ka hortaga faafida Cudurka Corona Virus.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu rajeynayo in dalkiisa uu noqon karo kan ugu horeeya ee ku guleeysta soo saarista  tallaal loga hortagaya Corona Virus dhamaadka sanadkan.

Trump ayaa intaa ku daray in xukuumadiisa ay maalgashi ku sameyn doonaan  tallaalkan, isaga oo intaa raaciyay in la diwaan galiyay 14 tallaal oo suurtagalinkaro yareeynta xanuunka COVID 19.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Sheybaaro oo caalami ah oo ku yaal wadamada Mareykanka, Yurub iyo Shiinaha ay tartan ugu jiraan soo saarista tallaal ka hortagaya Corona virus, kaasi oo dabayaaqadii sanadkii hore ka soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha kadibna ku sii faafay qeybo kala duwan oo Caalamka ah.

Hay’adda Daawooyinka Yurub ee “Emma” ayaa sheegtay in ay suura gal tahay in ay soo saraan tallaal xakameeyn karo cudurka ‘Corona virus sanadka dambe.

Emma ayaa tilmaamtay in ay ku howlantahay soo saarista tallaalka ka hortaga Covid 19,  iyaga oo kaa shaneeysa 33 khubaro ah, isla markaana ay hay’addu tijaabineyso qiyaastii 115 dawo oo suurtagalin karto in loga hortago faafida xanuunkan.

Turkiga ayaa ku dhawaaqay bandoow cusub oo afar maalmood soconaya kaasi oo ka dhaqan gali doona 15 gobol, waxayna tani ka mid tahay tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka fayraska Coruna, halka in ka badan 1700 xaaladood iyo 48 kale la diwaangeliyay gudaha dalkaasi saacadahii ugu danbeeyay.

Dhanka kale wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Kuwait, Baxreyn iyo Aljeeriya ayaa laga soo sheegaya xaalada cusub oo isugu jira dhimasho iyo kuwa la ildaran xanuunkan, halka Tuniisiya ay diwaan gelisay kaliya seddex xaaladood oo cusub iyada oo aan maalamahii la soo dhaafay anan wax cudur ah halkaasi laga diiwangalinin.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka oo deeq lacageed gaarsiiyaay  Qoysas dan yar ah

Next Post

Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

Next Post
Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhoweysay xarig cusub oo internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In