Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay madal looga doodayo miisaaniyadda qaran ee 2016, waxaana madasha ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga qayb qaadanayeen khadka telefoonada, Facebook, iyo Twitter, si ay wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadu u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.

Kulankaan shacabka lala wadaagayo Miisaaniyadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyey Wasaaradu kula qaybsato xogta ku aadan Miisaaniyadda, waxaana doodda ka qayb galay Dr. Xil Cilmi Maxamuud Nuur oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah islamarkaana ah guddoomiyaha guddi hoosaadka Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, sidoo kale Khabiir dhanka dhaqaalaha Xuseen Siyaad Cato iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Axmed Cabdi Aden “Iraad”.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Agaasimaha Waxaada Miisaaniyadda ayaa faafhin dheer ka bixiyey heerarkii ay soo martay miisaaniyadda sanadihii ugu danbeeyey, isagoona tilmaamay in muhiim tahay in shacabka Canshuurta laga qaado lala wadaago qaabka ay u baxdo miisaaniyadu.

“Miisaaniyada guud ahaan waa hab dowaldda ay ku gaarto ahadaafteeda shaqo, waxayna ka koobantahay soo xarayn dakhli  iyo qoondayn sida uu ku baxo dakhligaas, waxayna taabanayasaa arrimaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaadsadda,  waana meesha laga eego dowladda xaaladeeda dhaqaale iyo waxqabadkeeda hadey ahaan lahayd caalamka ama shacbiga Soomaaliyeed. Sidoo kale Miisaaniyaddu waa odoros dakhli, ayadoo markasta maskaxda lagu hayo siyaasadda guud iyo mudnaanta dowladdu dajiso oo ku aadan halka ay dooneyso in dowladdu waax ka qabato sanad miisaaniyadeedkaas.” ayuu yiir Mudane Iraad

Sidoo kale  Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada ayaa sheegay in shanti sano ee la soo dhaafay uu muuqaday isbadal badan oo dhanka miisaaniyadda ah, wuxuuna tilmaamay in sanadkii 2010 miisaaniyadda dowladu ahayd 35 milyan, maantana ay marayso 246 milyan, oo 60% lagu jaan gooyeey dakhliga gudaha ka soo xarooda, wuxuu sidoo kale sheegay muhiimada ay leedahay in shacabku ogaadaaan qaabka lagu bixinayo lacagtaas, marka la fiiray qoondada miisaaniyaddu maahan mid badan, badankeedana waxaa lagu daboolaa dhanka amniga, mushaaradka ciidamada, iyo tasiilaadkooda, waxaa jira qaybo yar kale oo loogu talagalay dhanka horumarinta.

Xildhibaan Cilmi ayaa tilmaamay in Baarlamanka uu ku leeyahay door xadidan marka laga hadlayo miisaaniyadda, kaalintaasna ay ku kooban tahay oo kaliya waafajinta sharciga.

Dooraka Miisaaniyadda uu  ku leeyahay Baarlamaanku waa mid xadidan, waxaana ka fiirinaa In ay tahay mid xaqiiqa ah oo la heli karo, Dhanka sharciga oo ah in ay la socoto qorsha howleedka dowaldda, Xisaab ahaan sax ma tahay  iyo in si wanaagsan laysugu dheeli tiray. Soo diyaarinta iyo qaabaynta waxaa iska leh xukuumadda, inay yiraahdaan awooda dhaqaale dalku waa intas, baarlamaanku wuxuu samayn karaa talo soo jeedin.

Waxaa xusid mudan in sadex sano ee ugu danbeeyey uu dhismayaey maamulka maaliyadeed ee dalka, waxaana muuqata talaaboyin badan oo horumar leh, waxaana hada socda sharciyo lagu dhisayo nidaamka maaliyadeed ee dalka” ayuu yiri Xilidhibaan Cilmi,

Ugu danbayntii Xuseen Caato oo ah khabiir dhanka maaliyadda ah oo ka qayb galay dooda ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney dadajiso shuruucda lagu qaadayo canshuuraha si loo soo xareeyo dakhli intaa ka badan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in miisaaniyada hada lagu shaqeeyo ay tahay dhiig joojin ee aan lagu sheegi karin miisaaniyad dowladeed marka la fiirsho cadadkeeda iyo meelaha loogu talo galay in lagu bixiyo.

1929878_1714446442107953_1155318250338335189_n (1) 12540676_1714446482107949_3399847438903050725_n (2)

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Afka Soomaaliga

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Afka Soomaaliga

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In