Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay madal looga doodayo miisaaniyadda qaran ee 2016, waxaana madasha ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga qayb qaadanayeen khadka telefoonada, Facebook, iyo Twitter, si ay wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadu u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.

Kulankaan shacabka lala wadaagayo Miisaaniyadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyey Wasaaradu kula qaybsato xogta ku aadan Miisaaniyadda, waxaana doodda ka qayb galay Dr. Xil Cilmi Maxamuud Nuur oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah islamarkaana ah guddoomiyaha guddi hoosaadka Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, sidoo kale Khabiir dhanka dhaqaalaha Xuseen Siyaad Cato iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Axmed Cabdi Aden “Iraad”.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Agaasimaha Waxaada Miisaaniyadda ayaa faafhin dheer ka bixiyey heerarkii ay soo martay miisaaniyadda sanadihii ugu danbeeyey, isagoona tilmaamay in muhiim tahay in shacabka Canshuurta laga qaado lala wadaago qaabka ay u baxdo miisaaniyadu.

“Miisaaniyada guud ahaan waa hab dowaldda ay ku gaarto ahadaafteeda shaqo, waxayna ka koobantahay soo xarayn dakhli  iyo qoondayn sida uu ku baxo dakhligaas, waxayna taabanayasaa arrimaha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaadsadda,  waana meesha laga eego dowladda xaaladeeda dhaqaale iyo waxqabadkeeda hadey ahaan lahayd caalamka ama shacbiga Soomaaliyeed. Sidoo kale Miisaaniyaddu waa odoros dakhli, ayadoo markasta maskaxda lagu hayo siyaasadda guud iyo mudnaanta dowladdu dajiso oo ku aadan halka ay dooneyso in dowladdu waax ka qabato sanad miisaaniyadeedkaas.” ayuu yiir Mudane Iraad

Sidoo kale  Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada ayaa sheegay in shanti sano ee la soo dhaafay uu muuqaday isbadal badan oo dhanka miisaaniyadda ah, wuxuuna tilmaamay in sanadkii 2010 miisaaniyadda dowladu ahayd 35 milyan, maantana ay marayso 246 milyan, oo 60% lagu jaan gooyeey dakhliga gudaha ka soo xarooda, wuxuu sidoo kale sheegay muhiimada ay leedahay in shacabku ogaadaaan qaabka lagu bixinayo lacagtaas, marka la fiiray qoondada miisaaniyaddu maahan mid badan, badankeedana waxaa lagu daboolaa dhanka amniga, mushaaradka ciidamada, iyo tasiilaadkooda, waxaa jira qaybo yar kale oo loogu talagalay dhanka horumarinta.

Xildhibaan Cilmi ayaa tilmaamay in Baarlamanka uu ku leeyahay door xadidan marka laga hadlayo miisaaniyadda, kaalintaasna ay ku kooban tahay oo kaliya waafajinta sharciga.

Dooraka Miisaaniyadda uu  ku leeyahay Baarlamaanku waa mid xadidan, waxaana ka fiirinaa In ay tahay mid xaqiiqa ah oo la heli karo, Dhanka sharciga oo ah in ay la socoto qorsha howleedka dowaldda, Xisaab ahaan sax ma tahay  iyo in si wanaagsan laysugu dheeli tiray. Soo diyaarinta iyo qaabaynta waxaa iska leh xukuumadda, inay yiraahdaan awooda dhaqaale dalku waa intas, baarlamaanku wuxuu samayn karaa talo soo jeedin.

Waxaa xusid mudan in sadex sano ee ugu danbeeyey uu dhismayaey maamulka maaliyadeed ee dalka, waxaana muuqata talaaboyin badan oo horumar leh, waxaana hada socda sharciyo lagu dhisayo nidaamka maaliyadeed ee dalka” ayuu yiri Xilidhibaan Cilmi,

Ugu danbayntii Xuseen Caato oo ah khabiir dhanka maaliyadda ah oo ka qayb galay dooda ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney dadajiso shuruucda lagu qaadayo canshuuraha si loo soo xareeyo dakhli intaa ka badan, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in miisaaniyada hada lagu shaqeeyo ay tahay dhiig joojin ee aan lagu sheegi karin miisaaniyad dowladeed marka la fiirsho cadadkeeda iyo meelaha loogu talo galay in lagu bixiyo.

1929878_1714446442107953_1155318250338335189_n (1) 12540676_1714446482107949_3399847438903050725_n (2)

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la Kulmay Madaxda London”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Afka Soomaaliga

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Afka Soomaaliga

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In