Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo isla xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyadda, dowlad wanaagga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Nidaamka daah furnaantu iyo dowlada oo lala xisaabtamo waa mid muhiimad gooni ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda, bushalda qaybaheeda kala duwan, iyo ganacsatada, waxayna u sahlaysaย  iney si saxan u is ticmaalaan akhbaaraadka dowladda.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Wasiirrka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay inย  in Dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qofkasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

โ€œDawladdu waxay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qayb ka yahay isaga oo aaminsan inuu dawladda isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga isla markaasna la cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, ayaa ah tiirarka asaaska u ah dawladย  Dimiquraadi ah iyo hormarka dhaqaaalaha. Dawlad xilkas ah oo hufan waa midda suurtagalisa in dhammaan muwaadiniinta, shaqaalaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah iy dhammaan bulshada inteeda kale ay si fudud u adeegsanย  karaan xogta dawladdaโ€ ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadahaan dambe ay si xawli ah uu kor ugu socday adeegsiga internetka ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirro gelinaysa in dad weynaha fursad loo siiyo xogta Dawladda.
โ€œMaanta, waxaa soo if-baxaysa dhismaha Qaranimo curdan ah, Bangigii dhexe waa la yagleelay,ย  Nidaam maamul maaliyadeed ayaa loo sameeyay Wasaaradaha muhiimka ah,ย  waxaa la qoray lana ansxiyey sharciyo dowladnimada saldhig u ah, sidoo kale waxaa la magacaabay jagooyin muhiim ah oo dawladda ku caawinayaย  isla xisaabtanka, wasaaradihii waa hawl galeen, waxaaย  saddex sano jirsaday Miisaaniyadda Dawladda oo dhaqan gashay.

Waxaana ย maanta la joogaa xiligii dad weynuhu heli lahaayeenย  xogta iyo macluumaadka iyaga oo aan ku bixin kharash badan iyo waqti dheeraad ah. Haddii arrintaan si fiican loo dhaqan geliyo iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah waxaa dadweynaha iyo dawladaba ugu jira faaโ€™iido weyn oo aan la soo koobi karin. Sharciga Hindisaha Daah Furnaantu waa arrin gogol xaar u noqon doontaa dib-u-habaynta guud ee waddankaโ€

Golaha Wasiiradda ayaa balanqaaday fulinta aragtida Madaxweynaha ee ku aadan Furnaanta Dowladnimadda iyo in Dalku uu noqodo mid hogaamiya dhanka daah furnaata Qaarada Africa sanada 2020.

Hindisaha Daah furnaanta Dowladnimo waa dadaal ballaaran oo ku yimid Codsiga tooska ah ee Madaxwaynaha, waxaanaย  hagaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,ย  waxaana dhaqan gelinaya oo si ficil ahna u hogaaminaysa Wasaaradda Maaliyada oo la kaashanaysa Wasaarado kala duwan.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la dardaarmay Saraakiishii dhawaan la dalacsiiyay”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha+Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay'adaha+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In