Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-furnaanta Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo isla xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyadda, dowlad wanaagga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Nidaamka daah furnaantu iyo dowlada oo lala xisaabtamo waa mid muhiimad gooni ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda, bushalda qaybaheeda kala duwan, iyo ganacsatada, waxayna u sahlaysa  iney si saxan u is ticmaalaan akhbaaraadka dowladda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Wasiirrka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in  in Dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qofkasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

“Dawladdu waxay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qayb ka yahay isaga oo aaminsan inuu dawladda isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga isla markaasna la cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, ayaa ah tiirarka asaaska u ah dawlad  Dimiquraadi ah iyo hormarka dhaqaaalaha. Dawlad xilkas ah oo hufan waa midda suurtagalisa in dhammaan muwaadiniinta, shaqaalaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah iy dhammaan bulshada inteeda kale ay si fudud u adeegsan  karaan xogta dawladda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadahaan dambe ay si xawli ah uu kor ugu socday adeegsiga internetka ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirro gelinaysa in dad weynaha fursad loo siiyo xogta Dawladda.
“Maanta, waxaa soo if-baxaysa dhismaha Qaranimo curdan ah, Bangigii dhexe waa la yagleelay,  Nidaam maamul maaliyadeed ayaa loo sameeyay Wasaaradaha muhiimka ah,  waxaa la qoray lana ansxiyey sharciyo dowladnimada saldhig u ah, sidoo kale waxaa la magacaabay jagooyin muhiim ah oo dawladda ku caawinaya  isla xisaabtanka, wasaaradihii waa hawl galeen, waxaa  saddex sano jirsaday Miisaaniyadda Dawladda oo dhaqan gashay.

Waxaana  maanta la joogaa xiligii dad weynuhu heli lahaayeen  xogta iyo macluumaadka iyaga oo aan ku bixin kharash badan iyo waqti dheeraad ah. Haddii arrintaan si fiican loo dhaqan geliyo iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah waxaa dadweynaha iyo dawladaba ugu jira faa’iido weyn oo aan la soo koobi karin. Sharciga Hindisaha Daah Furnaantu waa arrin gogol xaar u noqon doontaa dib-u-habaynta guud ee waddanka”

Golaha Wasiiradda ayaa balanqaaday fulinta aragtida Madaxweynaha ee ku aadan Furnaanta Dowladnimadda iyo in Dalku uu noqodo mid hogaamiya dhanka daah furnaata Qaarada Africa sanada 2020.

Hindisaha Daah furnaanta Dowladnimo waa dadaal ballaaran oo ku yimid Codsiga tooska ah ee Madaxwaynaha, waxaana  hagaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,  waxaana dhaqan gelinaya oo si ficil ahna u hogaaminaysa Wasaaradda Maaliyada oo la kaashanaysa Wasaarado kala duwan.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la dardaarmay Saraakiishii dhawaan la dalacsiiyay”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha+Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay'adaha+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In