Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasime ku Xigeenka guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Abshir Maxamed Abshir ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ee gobolka Nugaal.

Ku Xigeenka Agaasimaha Guud Abshir ayaa warbixin ka bixyay dadaalada iyo hormarka uu xafiisku sameeyay muddadii koobnayd, oo ay ka mid yihiin.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

1-helida dhismaha shaqada
2-tababaro loo qabtay shaqaalaha
3-dib u habaynta Nidamka dakhliga

Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, waxana uu kusoo beegmay ka dib markii Dakhliga sanadkii 2021 Gobolka uu noqday 95%, halka sanadkan 2022, kor loo qaaday ku talagalka Miisaaniyadda sanadka taas oo u baahan in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta heer gobol loo sameeyo kulan baraarujin ah.

Ku Xigeenka agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa xusay in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta ay si furan u wada hadlaan loona dhageesto afkaarta shaqaalaha ee dhanka hormarinta shaqada iyo baahiyahooda gaarka.

Abshir Maxamed Abshir ayaa shaqaalaha faray in ay markasta soo dhaweeyaan ganacsatada uguna adeegaan bulshada si wanaasgan oo furfuran oo leh soo dhawayn, arrintaan oo horseedi karta biixnta shacabku ay cashuuraha kala duwan bixiyaan.

Kulanka oo kusoo dhamaaday si habsami leh ayaa madaxda iyo shaqaalaha dakhliga gobolka oo soo dhaweeyey in la joogteeyo shirarka noocaan ah si logu kala warqaato loona ogaado xaladaha shaqo ee gobolka.

Previous Post

Cudurada ku dhaca Geela Soomaaliya oo buug laga qoray “SAWIRRO”

Next Post

South-West state elects 6 lawmakers to the Federal Parliament

Next Post
South-West state elects 6 lawmakers to the Federal Parliament

South-West state elects 6 lawmakers to the Federal Parliament

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In