Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Muqdisho ku qabatay Barnaamij lagu daah furayay habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Muqdisho ku qabatay Barnaamij lagu daah furayay habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daah furkaan habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka ay dhawaan ansaxiyeen xilidhibanaada Golaha Shacabka ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee horyaalo  Wasaaradda Maaliyadda sidii ay sare ugu qaadi laheyd  dhaqan gelinta howlaha Dowladda horyaala islamarkaane looga qeyb qaato Horumarka dalka,  iyadoo  habka loo soo bandhigaay  dhaqan gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore

Munaasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda,waxayna dhamaantood isku raaceen in si hufan looga wada shaqeeyo horumarka dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeyso Wasaaradaha Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Wasaaradaha ay soo xareeyaan macluumaadka Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo Dowladnimada.

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Xasan Abshirow ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta shaqaalaha Dowladda loona gudbiyo Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu danbeyntii,Waxaa madasha ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,isagoona tilmaamay iney muhiim tahay in Miisaaniyada Dowladda noqoto mid laga wada faa’ideysto laguna gaaro horumarka dalka iyo sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Previous Post

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo guddoonka gobolka Shabellada hoose oo Qoryooley lagu soo dhaweeyay.

Next Post

Mas,uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca oo kormeeray isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho {Sawirro}

Next Post
Mas,uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca oo kormeeray isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho {Sawirro}

Mas,uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca oo kormeeray isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho {Sawirro}

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In