Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka Soomaaliya ee SOMCAS, kaasi oo ku saabsan xeerarka iyo nidaamka kastamka qeybahiisa kala duwan, sida nidaamka xafiisyada kastamadda loo maro, badeecadaha dhoofaya iyo kuwa soo dega, qoondeynta canshuuraha iyo qiimeynta, iyo guud ahaan macluumaadka la xiriira adeega kastamadda caariga ah ee dunida ka jiro.

Munaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijkan oo dhawaan la hirgelin doono,  laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulayaasha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde iyo dekadda Muqdisho, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Saraakiil ka soctay Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Cabdifutaax Feysal maamulaha Furdooyinka Garoonka Aadan Cadde ayaa ugu horreyn kulanka furay Sidoo kale Agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Proff Ciise Maxamuud Xalane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in nidaamkaan uu meesha ka saari doono musuqa badeecadaha ka soo dego dekadda haddii barnaamijkan la hirgeliyo isagoona ku baaqay in Wasaaraddaha kale ay kala saaraan wixii farsamo iyo adeegyo kale ah.

Maareeye ku xigeenka dekadda Maxamed Axmed Diiriye iyo Maxamed Cabdi Colaad Maamulaha Furdada dekadda Muqdisho ayaa sheegay in arintaan ay tahay tallaabo horey loo qaaday, islamarkaana fududeyn doonto howlaha dekadaha iyo Garoomada.

Taliyaha hogaanka canshuuraha Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Xasan Bariise ayaa dhiniciisa tilmaamay in barnaamijkan caariga ah uu door weyn ka qaadan doono howlaha dardargelinta canshuuraha.

Jacfar Axmed Maxamed Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Wasaaradda juhdi gelisay, barnaamijkan, isagoona tilmaamay in uu yareyn doono faragelinta howlaha Furdooyinka, islamarkaana loo tababari doono dadka aan aqoonin.

Previous Post

Kulan wacyi gelin ah oo lagu qabtay Degmada Waaberi “SAWIRRO”

Next Post

SNA Chief calls the military to stay aside from the politics

Next Post
SNA Chief calls the military to stay aside from the politics

SNA Chief calls the military to stay aside from the politics

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In