Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo saartay fariin ku socota ganacsatada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo saartay fariin ku socota ganacsatada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fariin ka socota agaasinka Guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Agaasinka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda wuxuu ogeysiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in la balaariyay ganacsiyada laga qaadayo canshuurta ”gadida” oo markii hore aad u xadidnaa. Xeer sharciga Lr.2 1984, wuxuu ku waajibanayaa canshuur bixinta ilaa iyo afar ganacsi oo kale ah:-

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026

Keenidda Badeecadda, Ganacsiga Jumlada, Qaansheegtada Hootelka iyo badeecadaha ay soo saaraan warshadaha.

                                                           Maxaa isbeddelay?

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sannad-maaliyadeedkan ansixiyay in la balaariyo ganacsiyada laga qaadayo canshuurta gadida, iyadoo wasiirka wasaaradda maaliyadda uu soo saaray xeer-nidaamiye noocyada ganacsiyada iyo shirkadda lagu dabaqayo gadida canshuurta.

               Maxay yihiin ganacsiyada cusub ee laga qaadayo ee laga qaadayo cabshuurta gadida?

Korontada, TV cables-yada, shirkadaha Biyaha, shirkadda mihnadlayaasha sida kuwa bixiya adeegyada qareenada, nootaayooyinka, xisaabiyeyaasha, maraakiibta iyo shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga iyo kuwa la midka ah. Isgaarsiinta, Daabacadaha Tafaariiqda, Maqaayadaha, Caafimaadka, Ceymiska, adeegyada gaadiidka, Bangiyada iyo Xawaaladaha, ganacsiyada kale ee iibiya badeecadaha ama adeegyada.

Haddaba, waxaa laga doonayaa dhammaan shirkadaha iyo ganacsiyada adeegyadaas bixiya in ay saaraan 5% qaansheegadyada ay u jaraan dadka ay adeegyada u qabtaan laga bilaabo 1-da bisha April sanadka 2024.

Canshuur bixintu waa dhismaha waddankeenna. Canshuurta bixi muwaadin aan barwaaqo gaarnee.

Previous Post

Guddoomiye Madaale: ayaa soo xiray tartanka Quraan akhriska Gobolka Banaadir

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka rasmiga cutubyada Dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka JFS

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka rasmiga cutubyada Dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka JFS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka rasmiga cutubyada Dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka JFS

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku...

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Monday with his...

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

January 5, 2026
0

The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, on Sunday officially...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In