Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo daah furtay Mashruuca Xasilinta Dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo daah furtay Mashruuca Xasilinta Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan maanta magaaladda muqdisho ay ku yeesheen mas’uuliyiin ka kala  socotay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu daah-furay Mashruuca Xasilinta Dalka oo ka mid ah mashaariicda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ay ugu tala gashay horumarinta dalka.

Danjire ku xigeenka safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ee mashruucan loo fulinayo uu yahay in shaqa abuur loo sameeyo dhalinyada Soomaaliyeed maadaaama ay yihiin  qeybta  ugu badan Bulshada.

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026

‘’Ujeedka Mashruucan aan ka leenahay waxa uu yahay inaan ka qeyb qaadano Dib u heshiisinta ,nabada ,Xasiloonida iyo horumarka Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxa aan rabnaa  in uu abuuro shaqooyin badan oo ay helaan dhalinyarada” ayuu yiri Vebjorn Heines

Wuxuu intaasi raaciyay “Soomaaliya waa dal dadkiisu ay dhalinyaro u badanyihiin waxay u baahanyihiin shaqooyin ,waxaan sido kale aan jecelnahay in qeyb ka ahaano horumar iyo xasilooni waarta oo ay Soomaaliya gaarto, Soomaaliya waa dal leh qorax iyo dabeyl sidaas daraadeed awooda qoraxda iyo awooda dabeylaha waa u muhiim mustaqbalka ugu dambeyn Soomaaliya waa dal ay ku noolyihiin bulsho wanagsan oo jecel horumarka iyo ganacsiga’’.

Wasiirka wasdaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali  Ceynte ayaa sheegay in mashruucaan uu ka mid yahay mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hir geliyay.

Sidoo kale Wasiir Ceynte ayaa tilmamay in mashruucaan uu waafaq sanyahay qorshaha qaranka ee sedaxda sano soo socoto isagoo ugu mahad celiyay dowlada norwey sida ay ugula shqeysay mashrucuaan fulintiisa.

Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshaha dalka lagu horumarinayo iyadoo la kaashaneysa dowlada caalamka ee Soomaaliya taageera waxaana dowlada Norwey ay ka mid tahay dowlada sida weyn u taageera Soomaaliya.

vlcsnap-2016-09-14-15h51m55s138 vlcsnap-2016-09-14-15h53m25s21 vlcsnap-2016-09-14-15h54m09s208 vlcsnap-2016-09-14-15h54m16s16 vlcsnap-2016-09-14-15h54m41s14

Previous Post

Daawo Sawirrada: Shirkii madasha wadatashiga Qaran oo la soo gabagabeeyay

Next Post

Akhriso War-murtiyeedka shirki madasha ee maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirrada: Shirkii madasha wadatashiga Qaran oo la soo gabagabeeyay

Akhriso War-murtiyeedka shirki madasha ee maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In