Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo shir wadatashi ah ka furtay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo shir wadatashi ah ka furtay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad  wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga Jubbaland.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Hadafka Wasaradda Qorsheynta dalka oo ah in wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin  shacabka Soomaaliyeed, waxaana furitaanka munaasabada lagu daahfuryay  wadatashiga gooobjoog ka ahaa  qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Jubbaland oo kala Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka ganacsiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Xoghayaha Joogta Wasaradda Qorsheynta JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland Mudane Aadan Ibraahiim Aw Xirsi  ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweenayaan wadatashigan ee  Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad oo si siman uga socda dalka oo dhan, isla markaana mudada afarta maalmood ee wadatashiga ka socda Jubbaland ay hay”adaha iyo bulshada diyaar u yihiin inay ku biiriyaan aragtidooda ku aadan sida lagu horumarin karo qorshaha.

Qaar ka mid ah Wasiiradda Jubbaland oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa ay talaabadan ku tilmaameen in ay tahay mid ahmiyad wayn u leedahay Jubbaland, dhankooda ay bogaadinayaan shaqada ay waddo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda dhaxe iyo tan Jubbaland.

Mudane Cabdulqaadir Maxmaed Aadan  Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa qeexay shaqada afarta moolmaad ee wadatahsiga wareegga kowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ka bilaawday maanta iyo hadafka laga leeyahay in  qorshahan wax looga qabto.

“Qorshaha horuamrinta Qaranka ma ahan mid siyaasad ah, waana mid ku cad baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ay leeyahiin, Qorshahan waxaa uu ka koobnaan doona shan tiir, waana mid ay wada leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, Sida ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, Baarlmaanka iyo hay’addaha dowladd Goableedka waxaan idinka doonayaa in maskaxdiina aad shiishaan si aan u helno wax Ummadda Soomaaliyeed dan  u ah”. ayuu yiri Xogahayah Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta.

Dhinaca kale rugta ganacsatada Jubbaland ayaa loo qeybiyay ilaa siddeed koox oo ay ka doodeen baahiyaha ay doonayaan in wax uu ka qabto Qorshaha, iyadoo ay soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah oo  muhiim ah geedi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, isla amarkaana waxa ay bogaadiyeen  dadaallada ay wada Wasaaradda Qorsheynta Dalka ayna uga mahadcelinayaan sida ay u dhageysatay una tixgalisay Waxyaabaha ahmiyada leh.

 

 

Previous Post

Maamulka Rabdhuure oo codsaday in argagixisada laga xoreeyo Degmada Rabdhuure

Next Post

Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo”

Next Post
Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo”

Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In