Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo shir wadatashi ah ka furtay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo shir wadatashi ah ka furtay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad  wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga Jubbaland.

 

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Hadafka Wasaradda Qorsheynta dalka oo ah in wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin  shacabka Soomaaliyeed, waxaana furitaanka munaasabada lagu daahfuryay  wadatashiga gooobjoog ka ahaa  qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Jubbaland oo kala Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka ganacsiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Xoghayaha Joogta Wasaradda Qorsheynta JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland Mudane Aadan Ibraahiim Aw Xirsi  ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweenayaan wadatashigan ee  Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad oo si siman uga socda dalka oo dhan, isla markaana mudada afarta maalmood ee wadatashiga ka socda Jubbaland ay hay”adaha iyo bulshada diyaar u yihiin inay ku biiriyaan aragtidooda ku aadan sida lagu horumarin karo qorshaha.

Qaar ka mid ah Wasiiradda Jubbaland oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa ay talaabadan ku tilmaameen in ay tahay mid ahmiyad wayn u leedahay Jubbaland, dhankooda ay bogaadinayaan shaqada ay waddo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda dhaxe iyo tan Jubbaland.

Mudane Cabdulqaadir Maxmaed Aadan  Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheyna, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa qeexay shaqada afarta moolmaad ee wadatahsiga wareegga kowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ka bilaawday maanta iyo hadafka laga leeyahay in  qorshahan wax looga qabto.

“Qorshaha horuamrinta Qaranka ma ahan mid siyaasad ah, waana mid ku cad baahiyaha shacabka Soomaaliyeed ay leeyahiin, Qorshahan waxaa uu ka koobnaan doona shan tiir, waana mid ay wada leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, Sida ururrada bulshada rayidka, ganacsatada, Baarlmaanka iyo hay’addaha dowladd Goableedka waxaan idinka doonayaa in maskaxdiina aad shiishaan si aan u helno wax Ummadda Soomaaliyeed dan  u ah”. ayuu yiri Xogahayah Joogtada ee Wasaaradda Qorsheynta.

Dhinaca kale rugta ganacsatada Jubbaland ayaa loo qeybiyay ilaa siddeed koox oo ay ka doodeen baahiyaha ay doonayaan in wax uu ka qabto Qorshaha, iyadoo ay soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah oo  muhiim ah geedi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, isla amarkaana waxa ay bogaadiyeen  dadaallada ay wada Wasaaradda Qorsheynta Dalka ayna uga mahadcelinayaan sida ay u dhageysatay una tixgalisay Waxyaabaha ahmiyada leh.

 

 

Previous Post

Maamulka Rabdhuure oo codsaday in argagixisada laga xoreeyo Degmada Rabdhuure

Next Post

Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo”

Next Post
Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo”

Daawo: Tartan Ciyaareedka Dugsiyada Sare oo Galabta lagu soo xiray Gaalkacyo"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In