Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya inay shaqaale geynayaan Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya inay shaqaale geynayaan Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay lacagaha sida qaldan looga qaadayo shacabka, iyadoo loo sheegayo in Dalka Sacuudiga loo qaadaayo, isla markaana digniin u dirtay Dadka hawlahaas ku lug leh ee dadka lacagta ka aruursanaya.

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa in sheegay in shaqaalaha loo qaadi doono Dalka Sacuudiga ay Wasaaradda Shaqada mas’uul ka tahay, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldan dadka wax uga qaata.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

“Wararka been abuurka ah ee ka socda guud ahaan dalka, taasi oo ah in si qaldan loo fasiray shaqaale loo qaadayo dalka Sacuudiga, balanqaadka Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dadka shaqo abuur loo sameynayo, Wasaaradda shaqada ayaa dowladaha khaliijka arrintaasai kala hadashay, taasi oo fursad u siineysa in shaqaale badan loo qaado dalka boqortooyada oo qeyb ka ah shaqo abuur” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka shaqada.

Wasiir-ku xigeena Wasaaradda shaqada ayaa digniin u dirtay dadka marin habaabinta ka dhex-wada shacabka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrinkan uga dambeeyaan Dawladda.

“Dadka la qaadayo waxa ay isugu jiraa rag iyo dumar oo buuxiya sharuuha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonto in loo qaado dalka Booqrtooyada Sacuudiga” ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Libaax.

Previous Post

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In