Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya inay shaqaale geynayaan Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 24, 2016
in Wararka
0
Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya inay shaqaale geynayaan Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay lacagaha sida qaldan looga qaadayo shacabka, iyadoo loo sheegayo in Dalka Sacuudiga loo qaadaayo, isla markaana digniin u dirtay Dadka hawlahaas ku lug leh ee dadka lacagta ka aruursanaya.

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa in sheegay in shaqaalaha loo qaadi doono Dalka Sacuudiga ay Wasaaradda Shaqada mas’uul ka tahay, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldan dadka wax uga qaata.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Wararka been abuurka ah ee ka socda guud ahaan dalka, taasi oo ah in si qaldan loo fasiray shaqaale loo qaadayo dalka Sacuudiga, balanqaadka Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dadka shaqo abuur loo sameynayo, Wasaaradda shaqada ayaa dowladaha khaliijka arrintaasai kala hadashay, taasi oo fursad u siineysa in shaqaale badan loo qaado dalka boqortooyada oo qeyb ka ah shaqo abuur” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka shaqada.

Wasiir-ku xigeena Wasaaradda shaqada ayaa digniin u dirtay dadka marin habaabinta ka dhex-wada shacabka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrinkan uga dambeeyaan Dawladda.

“Dadka la qaadayo waxa ay isugu jiraa rag iyo dumar oo buuxiya sharuuha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonto in loo qaado dalka Booqrtooyada Sacuudiga” ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Libaax.

Previous Post

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In