Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro, khubaro, iyo masuuliyiin kala duwan.

Istraatijiyaddan oo salka ku haysa aragtida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran ee NDP9 (2020-2024) ayaa ku salaysan yoolal ay ka mid yihiin; sare u qaadidda kaalinta ay biyuhu ku leeyihiin kobaca dhaqaale iyo badqabka bulshada Soomaliyeed, xoojinta hannaanka maaraynta isku dhafan ee khayraadka biyaha, sare u qaadidda u adkaysiga musiibooyinka, iyo xaqiijinta sinnaanta, kordhinta wax soo saarka, bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Xafladda daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guudmeerka Istraatiijiyadda Qaran iyo wadiiqooyinka ku xusan, iyadoo daaha laga rogay qaabka fulineed ee lagu taabba galinayo Istraatijiyaddan, oo ay qayb ka yihiin tiro mashaariic ah, oo mudnaan u leh horumarinta biya dalka.

Agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa faah faahiyay muhiimada ugu weyn ee loo dajiyay qorshaha istaraatiijada maamulka kheyraadka biyaha qaranka.

Wasiiradda wasaaraha  tamarta iyo kheyradka biyaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug Maxamed Axmed Kaarshe iyo  Maxamed Xuseen oo ka  hadlay xaflada ayaa ka sheekeyay Daruufaha biya la,aaneed  ee ka jira deegaanada ay ka imaadeen.

Wasiirka wasaradda Beeraha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xasan Ciid  ayaa ka sheegay xaflada daah-furka intaraajidaha maamulka kheyraadka biyaha sharcigaan  in uu u adeegayo kor uqaadista  wax soosaarka dalka.

Wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha XfS Mudane Xasan Cabdi Nuur oo  daah furay  xaflada  ayaa sheegay shacabka soomaliyeed intabad in ay ku jiraan labo marxaladood masiiba ku ah shacabka sidda fatahaado iyo biyo la,aan.

Inta ay soctay xaflada waxaa lagu soo bandhigay  Docment ka hadlayo masiibo bili,aadminimo ee ka dhalatay biyaha oo ku  bata dhulka ay wabiyada maraan  iyo biyo la,aan ka jirta dhul fog oo miya ah.

Tags: Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran.
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Iyo maamulka Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran “SAWIRRO”

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo Muqdisho ka daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In