Shirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha xukuumadda federaalkaย ay la yeelatay milkiilayaasha shirkadaha biyaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kas oo baxay in hoos loo dhigo qiimaha biyaha muddo 15 cisho.
Goโaankan ayaa ku yimid codsi wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Soomaaliya, Sahra C/qaadir C/raxmaan ay u jeedisay shirkadaha, si loogu turo bulshada Soomaalida kuwooda danta yar.
Wasiirkaย ayaa sheegtay in kulankaan uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda ay ku dooneyso in wax looga qabto qiimaha sare ee Ceelasha biyaha, si loo helo qiimo dhimis joogta ah.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Soomaaliya Sahra C/qaadir C/raxmaanย ayaa ย shaacisay ย in la mideynayo qiimaha kala duwan oo ay ceelasha biyaha ka qaadaan dadka, iyada oo dhanka kale xustay in la sameynayo guddi wax ka qabta cabashooyinka milkiilayaasha shirkadaha biyaha.
Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ayaa wado dadaalo ay wax kaga qabaneyso siyaasadda tamarta ย iyo biyaha dalka, iyada oo 31-kii ย bishii May ee sanadkaan ayey ahayd, markii wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha si la mid ah madaxda ceelasha biyaha ay kala hadashay shirkadaha bixiya eedga korontada in qiimo dhimis ay ku sameeyaan adeega ay siiyaan Shacabka.
ย