Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo maanta soo gebagebeeysay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo maanta soo gebagebeeysay barnaamijka  soo nooleynta dhaqanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii lagu soo gebagebeeynayay barnaamijkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ku xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, wasiirka howlaha guud, ku simaha duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiirka warfaafinta oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay ahmiyadda uu leeyahay soo nooleeynta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed,  isagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney ilaaliyeen dhaqankeena wanaagsan, wuxuuna dhanaca kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ineey taageeraan dowladnimada si dalkeena uu ula mid noqdo wadamada kale ee caalamka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa wasiirka howlaha guud ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan la xiriira dib u soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, iyagoo hoosta ka xariiqay qiimaha uu  barnaamijkani u leeyahay ummaadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo sii wadidda barnaamijyada noocan oo kale ah.

Mudane C/llaahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo gebagebadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani uu soo socday muddo Afar bilood ah, isagoo tilmaamay in lagu soo qabtay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir islamarkaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah, ciyaaraha dhaqanka suugaan iyo  qeybta farshaxanka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada barnaamijkan loo qabtay ay tahay sare u qaadidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isdhexgalka bulshada  iyo sidii loogu baraarujin lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay intii ka qeybqaadatay barnaamijkan muddadii uu socday, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir.

DSC03908 DSC03907 DSC04141 DSC04138 DSC04135 DSC04134 DSC04133 DSC04129 DSC04124 DSC04120 DSC04112 DSC04111 DSC04096 DSC04091 DSC04088 DSC04087 DSC04082 DSC04081 DSC04078 DSC04076 DSC04075 DSC04068 DSC04057 DSC04054 DSC04053 DSC04052 DSC04049 DSC04039 DSC04030 DSC04027 DSC04018 DSC04015 DSC04013 DSC04012 DSC04011 DSC04021 DSC04007 DSC04004 DSC04003 DSC03990 DSC03985 DSC03984 DSC03982 DSC03981 DSC03980 DSC03976 DSC03973 DSC03957 DSC03950 DSC03947 DSC03940 DSC03939 DSC03936 DSC03935 DSC03934 DSC03933 DSC03932 DSC03921 DSC03918 DSC03912 DSC03909 DSC03876 DSC03876 DSC03876 DSC04112

 

Sawir qaade Farxaan Suleyman Daahir

Previous Post

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo maanta ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In