Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo maanta soo gebagebeeysay barnaamijka soo nooleynta dhaqanka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo maanta soo gebagebeeysay barnaamijka  soo nooleynta dhaqanka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii lagu soo gebagebeeynayay barnaamijkan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ku xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, wasiirka howlaha guud, ku simaha duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Wasiirka warfaafinta oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay ahmiyadda uu leeyahay soo nooleeynta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed,  isagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney ilaaliyeen dhaqankeena wanaagsan, wuxuuna dhanaca kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ineey taageeraan dowladnimada si dalkeena uu ula mid noqdo wadamada kale ee caalamka.

Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa wasiirka howlaha guud ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan la xiriira dib u soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, iyagoo hoosta ka xariiqay qiimaha uu  barnaamijkani u leeyahay ummaadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo sii wadidda barnaamijyada noocan oo kale ah.

Mudane C/llaahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo gebagebadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani uu soo socday muddo Afar bilood ah, isagoo tilmaamay in lagu soo qabtay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir islamarkaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah, ciyaaraha dhaqanka suugaan iyo  qeybta farshaxanka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada barnaamijkan loo qabtay ay tahay sare u qaadidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isdhexgalka bulshada  iyo sidii loogu baraarujin lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyay intii ka qeybqaadatay barnaamijkan muddadii uu socday, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir.

DSC03908 DSC03907 DSC04141 DSC04138 DSC04135 DSC04134 DSC04133 DSC04129 DSC04124 DSC04120 DSC04112 DSC04111 DSC04096 DSC04091 DSC04088 DSC04087 DSC04082 DSC04081 DSC04078 DSC04076 DSC04075 DSC04068 DSC04057 DSC04054 DSC04053 DSC04052 DSC04049 DSC04039 DSC04030 DSC04027 DSC04018 DSC04015 DSC04013 DSC04012 DSC04011 DSC04021 DSC04007 DSC04004 DSC04003 DSC03990 DSC03985 DSC03984 DSC03982 DSC03981 DSC03980 DSC03976 DSC03973 DSC03957 DSC03950 DSC03947 DSC03940 DSC03939 DSC03936 DSC03935 DSC03934 DSC03933 DSC03932 DSC03921 DSC03918 DSC03912 DSC03909 DSC03876 DSC03876 DSC03876 DSC04112

 

Sawir qaade Farxaan Suleyman Daahir

Previous Post

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo maanta ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In