Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta iyo safaaradaha Shiinaha oo heshiis kala saxiixday +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta iyo safaaradaha Shiinaha oo heshiis kala saxiixday +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiiskan is-af-garadka ah waxaa uu ku saabsan yahay dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA, waxaana kala saxiixday wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchoa.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixayay oo maanta lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho waxaa heeso luuqadda Shiinaha ah ka soo jeediyay fanaaniinta Waaberi.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wasiirka warfaafinta oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay wada shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo xusay in waxyaabaha is-af-garadkan quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha wasaaradda sida; Radio Muqdisho, Tiyaatarka iyo SONNA.

“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo (Pilot projects) oo ah mashaariic yar yar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Tiyaatarka Qaranka waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965 ka dib burburkii dalka ka dhacay waxaa dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan ku dhistay 2019.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, dowladda Shiinaha waxaa ay dalka ka fulisay mashaariic waa weyn oo ay kamid yihiin tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay kamid tahay tan isku xirta Beledweyne ilaa Burco.

Previous Post

Wasiirka Diinta oo ku baaqay in la tukado Salaad roob doon ah, lana soomo 4 cisho “SAWIRRO”

Next Post

Hishiis Dayactir iyo qalabeynta lagu sameynaayo qeybo kamid ah Warbaahinta qaranka oo Muqdisho lagu kala saxiixday

Next Post
Hishiis Dayactir iyo qalabeynta lagu sameynaayo qeybo kamid ah Warbaahinta qaranka oo Muqdisho lagu kala saxiixday

Hishiis Dayactir iyo qalabeynta lagu sameynaayo qeybo kamid ah Warbaahinta qaranka oo Muqdisho lagu kala saxiixday

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In