Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u soo nooleyneyso dalxiiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo dib u soo nooleyneyso dalxiiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay dib usoo nooleeneyso Dalxiiska Soomaaliya, si dhaqaale uga soo galo Dowladda

Wasiiru dowlaha Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Beekos oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saari doono sidii loo helo meelo loo dalxiis tego, maadaama amniga magaalada ay tahay mid la isku haleyn karo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiiru dowlaha waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu ay howlgelin doonto hay’addii ku shaqada lahayd dhanka dalxiiska, si dowlada ay uga hesho lacag badan.

“Dalxiisku sida aad ogtihiin waa mid aan xuduud lahayn, dowlado waa weyn ayaa lacag ka abuura, Wasaaraddu waxay qorsheyneyaa inay howlgeliso dalxiiska, maadaama haatan la dhisay Hoteello badan, waxaan kaloo qorsheyneynaa in arrimaha dalxiiska ay noqdaan mid dhamaan ay dadku ka faa’iideystaan” ayuu yiri Mudane Maxamuud Cabdi Beekos.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in magaalada Nairobi uu kula kulmay Wasiirka Dalxiisa ee Kenya Najiib Balala oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

“Sidii aan u sameyn lahayn sharuucda duurjoogto iyo kuwa dalxiiska ayaan kala hadalnay Wasiirka Dalxiiska ee Kenya oo aan isku afgaranay in ay gacan nagu siiyaan sameynta sharciyadan oo aan horey dalka uga jirin, runtii meel fiican ayaan isla gaarnay” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Previous Post

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka qeybgalay xiritaanka tababar lagu baranayay isbedelka cimilada

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In