Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo dib u soo nooleyneyso dalxiiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo dib u soo nooleyneyso dalxiiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay dib usoo nooleeneyso Dalxiiska Soomaaliya, si dhaqaale uga soo galo Dowladda

Wasiiru dowlaha Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Beekos oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saari doono sidii loo helo meelo loo dalxiis tego, maadaama amniga magaalada ay tahay mid la isku haleyn karo.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Wasiiru dowlaha waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu ay howlgelin doonto hay’addii ku shaqada lahayd dhanka dalxiiska, si dowlada ay uga hesho lacag badan.

“Dalxiisku sida aad ogtihiin waa mid aan xuduud lahayn, dowlado waa weyn ayaa lacag ka abuura, Wasaaraddu waxay qorsheyneyaa inay howlgeliso dalxiiska, maadaama haatan la dhisay Hoteello badan, waxaan kaloo qorsheyneynaa in arrimaha dalxiiska ay noqdaan mid dhamaan ay dadku ka faa’iideystaan” ayuu yiri Mudane Maxamuud Cabdi Beekos.

Wasiiru-dowlaha Warfaafinta oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in magaalada Nairobi uu kula kulmay Wasiirka Dalxiisa ee Kenya Najiib Balala oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

“Sidii aan u sameyn lahayn sharuucda duurjoogto iyo kuwa dalxiiska ayaan kala hadalnay Wasiirka Dalxiiska ee Kenya oo aan isku afgaranay in ay gacan nagu siiyaan sameynta sharciyadan oo aan horey dalka uga jirin, runtii meel fiican ayaan isla gaarnay” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Previous Post

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka qeybgalay xiritaanka tababar lagu baranayay isbedelka cimilada

Next Post

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Next Post
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Galgaduud

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In