Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo Muqdisho ka daah furtay Kulanka Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo Muqdisho ka daah furtay Kulanka Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) oo soconaya muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madaxda qeybaha Warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Agaasime guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo Muqdisho ka furay kulanka ayaa sheegay aqoon isweydaarsigan muhiimadiisu tahay helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajaho habka Warbaahinta iyo wacyigalinta dadweynaha iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta, kor u qaadista isku soo dhoweynta dowladda iyo dadweynaha, kor u qaadista wacyiga iyo fahamka bulshada dowlad dhiska, mideynta farriimaha dowladda.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Ka qaybgalayaasha ayaa ka doodaya  muddada uu socdo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago Warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa xusay inay Wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mid ah, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu shacabka u gudbinayso.

Wadatashigan qoridda istaraatiijiyadda ee maanta furmay waxaa xigaya wadatashiyo lala sameyn doono dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala ee muhiimka u ah dhismaha istaraatiijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Previous Post

Who is Mr. Abdulahi Warsame Roble?

Next Post

Dagaallo iyo Duqeymo culus oo dib ugu bilowday Suudaan

Next Post
Dagaallo iyo Duqeymo culus oo dib ugu bilowday Suudaan

Dagaallo iyo Duqeymo culus oo dib ugu bilowday Suudaan

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In