Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka.

Ali Ahmed by Ali Ahmed
8 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo xirtay tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee tabinta doorashooyinka.

Muqdisho, 26, April, 2025: Aqoon isweydaarsigani oo ay ka faa’iidaysteen 25 suxufi oo ka socday warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo warbaahinta Qaranka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaalinta warbaahinta ee baahinta wararka iyo barnaamijyada la xiriira doorashooyinka dalka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026

Tababarka oo socday muddo laba maalmood ah waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa ay qabashadiisa kala kaashatay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si kor loogu qaado kaalinta warbaahinta ee doorashooyinka.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa ku dhiirigalisay suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka sare u qaadista daah furnaanta doorashada iyo jiheynta dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xiray tababarka ayaa ka qeyb galayaasha ku adkeeyay xoojinta mas’uuliyadda iyo mabaadi’ida warbaahinta ee dhismaha kalsoonida dadweynaha iyo isku dheelitirka wararka iyo macluumaadka la xiriira doorashooyinka.

Suxufiyiinta ka faa’iidaystay tababarka ayaa gabagabadii waxaa la guddoonsiiyay shahaadoyin iyaga oo uga mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta hirgalinta aqoon isweydaarsigani oo muhiim u ah helidda warbaahin iyo suxufiyiin u diyaarsan tabinta doorashooyinka si ay ku jirto mas’uuliyad.

Previous Post

Shirkii xilliga gugga ee IMF iyo Bankiga Adduunka oo la soo gaba-gabeeyay.

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah ula soo wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka...

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALMUDUG):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In