Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarashada oo Buugaagta Manhajka cusub u qeybisay Iskuullada Dowladda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda waxbarashada oo Buugaagta Manhajka cusub u qeybisay Iskuullada Dowladda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka  xigeenka wasaaradda  waxbarashada hiddaha iyo tacliinta saree ee xukuumadda Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed  ayaa Maanta iskuullada Dowladda u qeybiyay  Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iskuulladan oo ku yaalla Gobolka Banaadir islamarkaana ah Dugsiyadii dhawaan Dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada, isagoo Ardayda u qeybiyay Buugaagta cusub.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Agaasimaha waaxda Dugsiyada wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya Muuse Maxamed Carraale, ayaa bogaadiyay Manhajka waxbarashada Dalka isagoo kula dardaarmay Waaliddiinta in ay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka Caruurtooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Mudane Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegtay Dowladda intooda badan loo qeybiyay Manhajkan cusub.

“Maanta waxaan nasiib u yeeshay in iskuulladii dhawaanay la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare inaan u qeybiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenku.

Mudane, Feysal ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashadu ay la soo wareegi doonto dhammaan iskuullada ay leedahay Dowladda, islamarkaana loo dhameystirayo Manhajka waxbarshada Dalka.

“ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Maanta ay leeyihiin Manhaj mideysan oo wax lagu barayo Ardayda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane, Feysal Cumar Guuleed.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay la soo wareegto 24 Iskuul oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasaaradda qorsheynta oo daah-furtay shir looga hadlaya waxqabadka hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ee Soomaaliya

Next Post

Duqa Muqdisho oo xaqiijiyey in muddo Laba Bilood kadib lagu cayaari doono Istaadiyoow Muqdisho+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo xaqiijiyey in muddo Laba Bilood kadib lagu cayaari doono Istaadiyoow Muqdisho+Sawirro

Duqa Muqdisho oo xaqiijiyey in muddo Laba Bilood kadib lagu cayaari doono Istaadiyoow Muqdisho+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In