Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah furtay Barnaamij looga tashanayo Waxbarashada Gabdhaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah furtay Barnaamij looga tashanayo Waxbarashada Gabdhaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay kulan looga tashanayo waxbarashada gabdhaha, dib-u-eegista barnaamijka waxbarista gabdhaha iyo barnaamijka waxbar Caruurtaada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Marwo Nuuriya Addan Ciise ayaa furtay kulan looga arinsanayay barnaamijka horumarinta Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Barnaamijka waxbar Caruurtaada, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan iyo Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Hey’adda FCDO, Care International iyo deeq bixiyayaasha Waxbarshada Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026

Kulankaan ayaa warbixin looga dhageystay hey’adda Care International oo mas’uul ka aheyd hirgelinta mashruuca horumarinta Waxbrashada Gabdhaha Soomaaliyeed (AGES), kaasi oo soo bilawday sanadkii 2018-kii, laguna guuleystay inuu fursad Waxbarasho siiyo in ka badan 40,000, gabdhood, taasi oo ah kala bar hiigsiga guud ee barnaamijka Waxbarashada gabdhaha iyo taageerida barnaamijka Waxbarashada dad-ban (Non Formal Education) iyo Waxbarshada Nidaamiga ah (Formal Education) sidoo kalena fursad buuxda siiyay 1000, gabdhood oo ah kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay maeeshiyaad qaraxyo aasayay “SAWIRRO”

Next Post

Shir howleed ay isugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Shir howleed ay isugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Shir howleed ay isugu yimaadeen Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ayaa beenisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo la xiriira hakad...

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In