Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo munaasabad sagootin ah u sameysay ardey deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo munaasabad sagootin ah u sameysay ardey deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September, 5, 2018:- Munaasabad lagu sagootinayo 41 ardey oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ( Jaabur), xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya,  Wang Peng, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in Xukuumadda u hogaamiyo  Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay dadaal ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, isla markana tusaalo u tahay in dowladda ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Halkan waxaa maanta munaasabad sagootin ah ugu sameyneynaa 41 ardey oo ka mid ah kuwii ugu darajooyinka sareeyay imtixaankii la qaaday waxay kala yimadeen gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir,  waxay tusaale u tahay ahmiyada dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Soomaaliyeed, dowladda juhdi badan ayay ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, si cadaalad ah ayaana  lagu soo xulay” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxabrashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa kula dardaarmay ardeydan, inay ka faa’ideystan fursadda ay heleen, isagoo tilmaamay in dhawaan sidan oo kale waxbarasho dibadd ah loo diri doono ardey Soomaaliyeed.

Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Peng ayaa tilmaamay in tan ay tusaale u tahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markana  horey dowladda Shiinaha ay deeq waxbarasho u siisay ardey Soomaaliyeed, kuwaasoo hadda wax ka barta Shiinaha, waxana sidoo kale u sheegay in safaaradda Shiinaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyso arrimaha Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha Beni’aadanimada.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli lahayeen deeq waxbarasho oo dibadda ah ,iyadoo hadda dalka dibadiisa ay wax ka bartaan ardey Soomaaliyeed kuwaas oo deeq Waxbarasho ka helay dalalka saaxiibka lah Soomaaliya.

Previous Post

Somalia, Eritrea and Ethiopia to Hold trilateral Talks on Economic Integration

Next Post

Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

Next Post
Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka "SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In