Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso daryelka iyo hubinta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ka hor inta aan la aadin Xajka wasaaraddu ay qorsheysay hal milyan iyo boqol neef oo ari ah in loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, taasina ay qeyb ka tahay dadaalada ay sameysay wasaaradda.
Sheekh Nuur Wasiirka Xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in boqortooyada Sacuudiga kala hadli doonaan sidii xoolaha Soomaaliya xayiraadda looga qaadi lahaa, maadaama suuqa xoolaha nool ee dalka loo iib geeyo Sacuudiga ugu weyn yahay.