Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo maanta daah furtay Ololaha Talaalka Ariga “SAWIRRO”

admin by admin
November 19, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo maanta daah furtay Ololaha Talaalka Ariga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo aay soo qabanqaabisay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya  ayuu u jeedkeedu ahaa daahfurka mashruuca Ololaha Talaalka Ariga  ee cudurada Jadeecada iyo furuqa si looga hortago Xanuunada ay sababaan.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Agaasimaha guud ee wasaaradda, Madax ka socotay heyada FAO, dhaqaatiir, aqoonyahno iyo marti sharaf kale ayaana ka qeyb galay kulankan oo aad loogu gorfeeyay muhiimada uu talaalku u leeyahay xoolaha gaar ahaan ariga.

Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha  ayaa sharaxday muhiimada uu talaalkan leeyahay iyo muddada uu socon doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Maxamed Cumar Nuur Ayaa sheegay iney farxad u tahay ineey sanadkii labaad daahfuraan talaalka xoolaha si loo helo xoolo caafimaad qaba oo lagu nacfiyo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xildibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay ineey ahmiyad weyn siinayaan sidii loo horumarin lahaa    xoolaha oo ay dadka soomaaliyeed aad ugu tiirsanyihiin .

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa xoolihii loo dhiifin jiray dalka Sacuudiga oo ay hada wadahadalo kula jiraan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba laba jeer fulisa  talaalka caafimaad qabka xoolaha,  waxaana sanadkan  la filayaa in  xanuunada jadeecada iyo furuqa laga talaalo in kabadan Sideed iyo labaatan milyan  oo ari ah oo ku dhaqan guud ahaan dalka .

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland.

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In