Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha oo qabatay shir looga hadlayay natiijadii ka soo baxday bandhigga dalagyada beeraha ee lagu qabtay Talyaaniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha oo qabatay shir looga hadlayay natiijadii ka soo baxday bandhigga dalagyada beeraha ee lagu qabtay Talyaaniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo  ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyen Wasaaradda Beeraha Soomaaliya , Hey’adda horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (UNIDO) iyo Hey’adda Deeq bixinta ee Talyaaniga ee (AICS), ayaa waxa uu daba socda bandhigga dalagyada Beeraha oo  ka dhacay dalka Talyaaniga oo ay shirkado khudaarta ka shaqeeya iyo beeraleey Soomaaliyeed oo ay dirtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, kusoo bandhigeen khudaarta noocyadeeda kala duwan, taas oo soo jiidatay  Dalalkii ka qeyb galay bandhigga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Beeraha Maamul Goboleedka Putland, Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, wakiilo ka socday hey’addaha UNIDO iyo AICS  iyo shirkadaha iyo beeraleyda Soomaaliyeed ee ka  qeyb galay bandhigga ayaa kulanka isku weedaarsaday faa’iidooyinkii laga dhaxlay bandhigga iyo sida ugu haboon ee lagu horumarin karo wax soo saarka dalka loona heli karo suuqyo caalamiya oo ay beeraleyda Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta Wax soo saarka beeraha dalka.

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Putland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay bandhigga ayaa bidhaamiyey in aad loogu helay wixii ay Soomaaliya halkaasi kusoo bandhigtay, isagoo beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay inay sare u qaadaan wax soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha, kana faa’iideystaan fursadaha maalgeshiga ah.

Qaar kamida shirkadaha iyo Beeraleyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay bandhigga ayaa si wada jir ah u qiray in tani ay u tahay tallaabo dhiiri gelin ah, iyagoo u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay guddi xaqiiqo raadin oo ka socda Koonfurgalbeed

Next Post

Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Next Post
Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Akhriso Khudbadii Wasiirka Xanaananda Xoolaha ee shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In