Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta badqabka cuntada adduunka oo maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Ogaanshaha iyo Maaraynta halista cuntada ka dhalata, Ilaalinta halbeegyada caalamiga ah ee badqabka cuntada iyo qaabkii looga wada shaqeyn lahaa sidii ay Dadka Soomaaliyeed ku heli lahaayeyn cunto badqabta oo la isku haleyn karo ayaa inta badan looga hadlay munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaannada, Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneya hay’adaha FAO iyo WHO.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo munaasabadda furay ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadjira looga wada shaqeeyo ilaalinta badqabka cuntada.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ka go’antahay sidii ay dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen cunto badqabta, xilli maanta dunida oo dhan laga xusay Maalinta badqabka cuntada adduunka.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa indho indheeyay madal ay qaar ka mida ganacsatada munaasabadda ka soo qeyb gashay ku soo bandhigeen qeybo ka mida cunada oo badqabkooda aad looga shaqeeyay, wuxuuna ku dhiiragaliyay inay laba jibaaraan shaqada wanaagsan oo ay bulshada u hayaan, isagoo u balan qaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto sidii ay ganacsatada u heli lahaaueen maalgelin caalami ah.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Next Post
Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In