Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 20,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, sida uu sheegay afhayeenka golaha ammaanka Qaranka Mareykanka John Kirby.
John Kirby, ayaa hadalkiisa intaa ku daray in Sirdoonka Maraykanka ay ogadeen in ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah lagu waxyelleeyay gudaha Ukraine tan iyo bishii December ee sanadkii hore.
Washington, ma sheegin dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray shacabka iyo Askarta reer Ukraine.
Mareykanka waxuu sidoo kale sheegay, in kaydka ciidamada Ruushka uu yahay gabaabsi, wallow ay wali ku suganyahiin gudaha Ukraine.