Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Washington oo wafdi saraakiil ah u dirtay Kuuriyada Waqooyi  

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Washington oo wafdi saraakiil ah u dirtay Kuuriyada Waqooyi  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

 War ka soo baxay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in Saraakiil Maraykana ay u joogaan Kuuriyada Woqooyi sidii uu u suurtoobi lahaa shir madaxeed ay yeeshaan Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un oo lafilayo in uu dhoco bisha June ee Soo socota,kaasi oo beryahan shaki la gelinayay.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa shaacisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan.

Sung Kim oo ah Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Kuuriyada Koonfureed, oo hogaaminaya weftiga Maraykanka ah ayaa la shiraya Choe son Hui, oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi,kuwaasi oo ka wada hadlaya habka loo maamuusayo qabsoomidda kulanka hogaamiyaashsa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump todobaadkii hore sheegay inuu baajiyey shir madaxeedkaa, ayaa labada dhinacba la moodayey in ay isku dayeyaan in la suurto geliyo in qorshaha sidiisii lagu soo celiyo.

Labada hoggaamiye ee Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna waxay si lama filaan ah ugu kulmeen isla magaaladaa xadka ku taal, waxaana wararku sheegeen in kulankaa uu codsaday Kim Jong-un.

Intii wada hadalladu ay socdeen madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in Mr Kim uu si xoog leh u doonayo in dhulka Kuuriya laga dhigo meel hubka nukliyeerka ka reebban laakiin aanu hubin in Washington ay dammaanad qaadeyso nabadgelyada xukuumaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mar la weydiiyay in Mr Kim ay ka go’an tahay inuu iska dhiibo hubkiisa nukliyeerka oo dhan, madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka iyo Kuuriyada woqooyi ay wada hadal yeeshaan si ay u caddeeyaan ujeeddooyinkooda.

Dhamaan dowladaha caalamka ayaa dhaga u taagaya natiijooyinka ka ka dhalankara shirka hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Previous Post

Turkiga iyo Qadar oo kaalmo lacag ah ugu deeqay Yemen.  

Next Post

Spain oo badbaadisay 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah

Next Post
Spain oo badbaadisay 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah

Spain oo badbaadisay 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In