Monday, March 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Alcadaalla “DF waxay xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo Khawaarijtu laheyd,”.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Alcadaalla “DF waxay xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo Khawaarijtu laheyd,”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaliya, ayaa ku dhawaaqday in Khawaarihtu ay ka xayirtay 250- Akoon iyo 70-numbar oo lacagaha loogu shubi jiray, ka dib xog dhammeystiran oo hay’adaha arrimahan quseeyo ay u soo gudbiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla iyo Wasiiru dowlaha amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagga oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dowladda dadaal badan ay gelisay sidii dabalgal loogu sameyn lahaa marinada dhaqaalaha baadda ee argagixisada qaataan.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

“ Waxaa la xayiray 250-Akoon oo ka mid ah kuwii dadka Soomaaliyeed ee muwaadiniinta ah la soo wadaageen hay’adaha loogu talagalay in ay arrintaas ku soo wargeliyaan,waxaa la xanibay 70-numbar oo ah kuwo loo arkayay in Khawaarijtu u isticmaaleysay lacagaha sharcidarada, waxaa wali socda qorshaha kala saarista macluumaadka,” ayuu yiri wasiir Alcadaalla.

In ka badan Saddex kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo la soo xiriiray dowladda ayaa u soo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Khawaarijtu xoog kaga qaataan shacabka Soomaaliyeed, waxayna fariimahan suurta geliyeen in la xiro akoonada qaar, halka kuwo kale lagu dabajiro lana xiro doono.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wasiiru dowlaha amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo sheegaan dhagar qabayaasha ku dhuumaaleysanaya shacabka dhexdooda si loo soo qabto caddaaladana loo marsiiyo.

Khawaarijta ayaa hadda ku jabtay dagaalka lagula jiro, waxayna dantu biday in ay ka cararaan deegaannadii muddada badan ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland Oo Lataliyaha arr/Bulshada U Magacaabay Saciido Maxamed

Next Post

Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Next Post
Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Xoojinaya Iskaashiga ka dhaxeeya

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In