Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir arimaha dibadda oo la kulmay qaar kamid ah danjiriyaasha caalamka u fadhiya dalka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir arimaha dibadda oo la kulmay qaar kamid ah danjiriyaasha caalamka u fadhiya dalka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjirayaasha ayuu wasiirka kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch ayuu sidoo kale kala qeybgalay kulan uu Ra’iisal Wasaaraha uu  Madaxtooyada kula yeeshay, hase ahaatee markii dambana uu wasiirka ay wada qadeeyeen ayay kaga wada hadleen  qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Wasiirka arimaha dibadda qoraal uu soo dhigay Blogiisa ku sheegay “Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay”.

“Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaasho  musuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya”.

Wasiirka ayaa xusay  maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.

Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas.  Su’aalo soo baxay ka dibna, waxaan xusay in ay Dowladdu ay ku shaqeyneyso in ardayda la siinayo deeqaha Waxbarasho ay ahaan doonaan kuwa ugu wanaagsan xagga natiijada imtixaanaadka.

Mudane Yuusuf Garaad Cumar wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxyaabaha uu kala hadlay daniriyaasha uu la kulmay maanta Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda  iyo Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.

“Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan”. ayuu mar kale xusey wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta iyo laamaha kale ee Dowladda ay ballanqaadeyso in Dadweynaha Soomaaliyeed loo sheego Dowlad kasta oo taageero waxtar leh u fidisa ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladdeeda.

Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.

Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya.  Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.

Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa’iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.

Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.

Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda sharciga ah ee laga soo galo dalka.  Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taas wax u dhimi kara.

Previous Post

Shir loo qabtay xildhibaanada haweenka ah ee Soomaaliya-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo qaabiley ehelada AUN Tahliil Jimcaale Hubane

Next Post
Madaxweynaha oo qaabiley ehelada AUN Tahliil Jimcaale Hubane

Madaxweynaha oo qaabiley ehelada AUN Tahliil Jimcaale Hubane

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In