Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay kobcinta dhaqaalaha Dalka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 27, 2019
in Wararka
0
Wasiir Beyle oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay kobcinta dhaqaalaha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle, oo booqasho howleed ku jooga Dalka Maraykanka ayaa qurba joogta Soomaaliyeed kula kulmay Magaalada Washington DC, isagoo faah-faahin ka bixiyay guulaha dhaqaale ee ay Dowladdu gaadhay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.

“Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada  Washington oo aan u faa- faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta weli aan tiigsaneyno ku guuleysigooda” ayuu yiri, Wasiir Beyele.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wasiir, Beyle ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen iyo dhaqaalaha ay soo diraan , taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee Dalka ka jira, wuxuuna intaa ku daray in looga baahan yahay in looga baahan yahay wax qabad intaa kasii badan.

Wuxuu sheegay Wasiirku in ayan jirin cid marti ka ah horumarka Soomaaliya qurba joog iyo Dal joog intuba, wuxuuna faray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhismaha Dalka.

“Wasiir Beyle, ayaa yiri,” Horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbe ama kuwa Dalka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa, Dalkasta Dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta”.

Previous Post

HAB-QORAALKA IYO TAARIIKHDA FAR-SOOMAALIGA (Qeybta 4aad)

Next Post

Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo la xiriira qabasha shir weynaha ka wada Gobolka Galgaduud

Next Post
Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo la xiriira qabasha shir weynaha ka wada Gobolka Galgaduud

Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo kulamo la xiriira qabasha shir weynaha ka wada Gobolka Galgaduud

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In