Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle oo sheegay in 427 Milyan oo Doollar loogu deeqay Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle oo sheegay in 427 Milyan oo Doollar loogu deeqay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Shir saxaafadeedka Billaha ah ee Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle , ayaa faah-faahin ka bixiyay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay hagaajinta Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in shuruudihii ugu muhiimsanaa ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya ay ka gudubtay ka hor waqtigii loogu tala galay sida ay qireen madaxda hey’adda Lacagta Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah, iyagoo ka duulaya sidii ay Soomaaliya u fulisay shuruudihii ku xirnaa nidaamka deyn cafinta.

Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagaha la siinayo Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen.

“Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.

Dabagalka Lacagta deybta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in ay ku ogaatay Wasaaradda maaliyada Lacag dhan Hal Bilyan oo Doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.

“Dowlad baa iska imaan oo dhihi wax baan idinku leeyahay oran, mid kastaa waan diiwaan gelinnay, illaa annaga wax walba waa gubnay oo waxaan haynaa ma jirto, markaas ayaannu leennahay wax warqado caddeyn ah keena inaad wax nagu leedahay, waraaqahii aad Dowladda Soomaaliyeed kula saxiixatay la kaalay baan ku niri  qaar baa keeni waayay, intey keeni waayeenna waan ka jarnay, iminka waxaan u malaynayaa in ay Lacagta deynta ah 4 Bilyan iyo bar, halka ay marka hore ka ahayd 5 Bilyan iyo bar” ayuu yiri Wasiirku.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in madaxdeedu ay ka go’an tahay hagaajinta maamulka Maaliyada si caalamku u aamino loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay iyo kobcinta dhaqaalaha si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaan.

Wada hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro Bisha May ee Sanadka soo socda, waxanay Dowladdu u muuqataa mid muhiimad gaar ah siisay hagaajinta maamulka maaliyadda oo ku xiran horumar ka Dalkeenna.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaartay Baraawe.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In