Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle”Waxey ila noqotay in qolkii aan shirka u fadhiyay uu mugdi noqday”

admin by admin
October 14, 2020
in Wararka
0
Wasiir Beyle”Waxey ila noqotay in qolkii aan shirka u fadhiyay uu mugdi noqday”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waa maalin xasuus weyn naga mudan oo aan ku xusuusanayno dhibaatadii iyo xasuuqii argagixisadu u geysatay walaaleheen soomaaliyeed.

Maalintii 14-ka October 2017, waxa aan ku sugnaa Washington oo aan uga qeyb galayay shir ku saabsanaa arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Aniga oo shirka ku jira ayay isoo gaartay akhbaarta naxdinta leh ee ku saabsaneyd wixii dhacay, durbadiiba waan naxay, waxa ayna ila noqotay in qolkii aan shirka u fadhiyay uu mugdi noqday.

Murugada iyo ciilka aan daraamay maalinkaas halkaan ama xarfo qoraal ah kuma soo koobi karo, dareenkeyga waa mid aan la wadaagay dhamaan walaalaha Soomaaliyeed.

Markii aan dalka dib ugu soo laabtay meeshii ugu horeysay ee aan tagay waxa ay aheyd #ZOOBE oo ah halkii dhibaatadu ay ka dhacday.

Markii aan arkay sida ay wax u dheceen, burburkii goobta iiga muuqday iyo dhaawaca ama dhimashada walaaleheen waxaa ii caddaatay in argagixisadu aysan wax arxan ah inoo heynin balse ay sugayaan in aan u midoowno, isla markaana qof waliba uu waajibkiisa ka soo boxo.

Gaba-gabadii waxa aan Tacsi u dirayaa Eheladaada iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa aan isku boorineynaa in aan u midoowno ka hortagga dhibka cadawgu inoo soo maleego.

Abdirahman Dualeh Beileh sii-hayaha wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya

Previous Post

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay maaddo laga sameeyo qaraxyada iyo dadkii soo geliyay dalka

Next Post

QM “Waxaan murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar”

Next Post
QM “Waxaan murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar”

QM “Waxaan murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In