Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Biixi Imaan oo booqday Dugsiga farsamada gacanta ee Xero-Jarmal

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiir Biixi Imaan oo booqday Dugsiga farsamada gacanta ee Xero-Jarmal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshadda Biixi Imaan Cige, ayaa booqasho indha-indhayn ah ku tegay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Xero-Jarmal. Dugsigaan oo barisamaad kii lagu baran jiray takhasusaad ka kala duwan ee farsamada gacanta, waxaa burbur baahsan ugaystay dagaaladii iyo colaadihii dalka ka dhacay.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ka go’an sidii loo soo noolayn lahaa qeybaha waxbarashada farsamada gacanta oo ay ugu horrayso sidii dib loogu soo noolayn lahaa Xaruntan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Waxaa hubaal ah in ummaduhu u kala horumarsanyihiin sida ay ugu kala horreeyaan farsamada, hal-abuurka iyo waxsoosarka. Sidaa daraadeed, horumarinta farsamada gancantu —Technical and Vocational Education and Training’ (TVET)— waxay ka mid tahay arrimaha mudnaanta weyn u leh Barnaamijka Xukuumadda #Dan Qaran”.

waxaa farxad weyn ii aheyd maanta in aan xarunta kula kulmay maamulihii hore Xarunta ee Xilligii Burburka ka hor Mr. Mahdi Maxmuud Cali, Mahdi waa khabiir ku takhasusay arrimaha la xidhiidha maamulka iyo siyaasadda farsamada gacnta, xaruntana wakhti iyo tamarba galiyay waagiisii, dadbadan oo ka aflaxayna maanta heererkala duwan ka joogaan aqoonta farsamada.

Waaya aragnimadiisa aqoontiisu waxay kaalin muglegh ku yeelan doontaa dib u yagleelidda xaruntaan. Waxa sidoo kale wax lagu farxo aytahay inay joogaan Macalimiintii farsamada ee Dugsigaan barayaasha ka haan jiray oo in badan oo ka mid ahi ay diyaar yihiin.

Wax raggaas ka mid ah oo aan rabaa in aan halkan uga mahadceliyo ” Xasan Maxamed Guutaale, oo isaga laftiisu xaruntan ka aflaxay barisamaadkii, waxbarasho dibadda ahna xaruntu u dirtay. Xasan, Soddon kii sanno ee u danbeeyey ee dalku ku jiray duruufaha adag, ayuu xaruntaan gacanta ku hayay, waxaana ku soo maray duruufo kala duwan. Wuxuu dadaal dheer u galay sidii loo badbaadin lahaa dugsigaan, illaa maanta gacanta ayuu ku hayaa.” Ayuu yiri Wasiir Biixi .

Previous Post

Cabdikariin Xuseen Guuleed ” Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.”

Next Post

R/Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kulanka amniga Caasimadda 

Next Post
R/Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kulanka amniga Caasimadda 

R/Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kulanka amniga Caasimadda 

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In