Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 6, 2015
in Wararka
0
Wasiir Cabdullaahi Colaad: “Bandhig dhaqameedkii soo nooleynta dhaqanka berri ayaa la soo xirayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdishu Somalia – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxa ay qabaneysaa maalinka Isniinta ah 7 September 2015, bandhig dhaqanka iyo fanka ah, kaas oo lagu soo bandhigi doono waxqabadka Wasaaradda ee ololaha soo nooleyta dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed, kaas oo Wasaaraddu ay muddo afar bilood ah ka wadday koofurta iyo bartamaha dalka, gaar ahaan gobolada Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Bandhigan ayaa lagu soo gudbin doonaa waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee soo nooleynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed, ayada oo lagu soo bandhigi doono dhallinyaro loo tababaray fanka, farshaxanka, sawir-gacmeedka, cayaaraha iyo heesaha.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiisku , waxay muddadii la soo dhaafay aad isugu howshay soo nooleynta iyo xoojinta dhaqankii dhaawucu gaaray, taas oo loo maray bandhigyo kala duwan oo dhaqanka la xiriira, oo lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka qaarkood” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Ujeedada Bandhigan laga leeyahay ayaa ah in la muujiyo sida Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay xoogga usaareyso wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed, sare u qaadista fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, tababaridda dhallinyarada ee dhinaca fanka iyo dhaqanka iyo in fursado loo abuuro dhallinyarada si  ay ugu helaan fursad waxyaabaha ay ku haminayaan in ay noqdaan mustaqbalka.

Waa barnaamij lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee dowladda iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliyeed, taas oo lagu gaarayo hirgelinta barnaamijyo dadka ay ayagu arki karaan wax qabadka dowladda gaar ahaan kan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee ku aaddan soo nooleynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Ilaalinta sharciga waa furaha lagu gaari karo dowladnimo hufan oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan’’

Next Post

Akhriso: Ra’iisul wasaaraha oo Cabdi Jiinow u magacaabay xil cusub

Next Post
Akhriso: Ra’iisul wasaaraha oo Cabdi Jiinow u magacaabay xil cusub

Akhriso: Ra'iisul wasaaraha oo Cabdi Jiinow u magacaabay xil cusub

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In