Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cawad oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 24, 2018
in Wararka
0
Wasiir Cawad oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xaruntooda ee magaalada New York.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Waxa uu Wasiirku shirkan ku matalayaa Dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee Qaramada Midoobay.

Shalay ayuu Wasiirku kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arrimo badan oo la xariira marxaladda uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyadda, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka .

Wasiir Cawad waxa uu sidookale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka, iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan horumar iyo si dhexgal.

Qudbada uu jeedin doono Wasiirka ayuu diiradda ku saari doonaa  xaaladda Soomaaliya, sida arrimaha Amniga, dhaqaalaha, Dowladnimada iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabada oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay Al-Shabab gacanta ku hayaan.

Deeqo Shire (SONNA)

New York

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post

Cayaartooyda Degmada Waaberi oo ku guuleystay tartanka Degmooyinka

Next Post
Cayaartooyda Degmada Waaberi oo ku guuleystay tartanka Degmooyinka

Cayaartooyda Degmada Waaberi oo ku guuleystay tartanka Degmooyinka

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In