Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiir Dhuubow “Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in la hor istaago horumarinta Isboortiga” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiir Dhuubow “Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in la  hor istaago horumarinta Isboortiga” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan qado ah, isla markaana lagu dhiirigelinayay Hana Xasan Mire oo ah gabar Soomaaliyeed, oo soo diyaarisay tartan kubadda kolleyga ah oo ay ka qeyb gali lahaayeen gabdho Soomaaliyeed oo ka socday dalka Isuta Imaaraadka Carabta balse xiriirka kubadda kolleyga ay horjoogsadeen ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Isboortiga, Cismaan Aadan Dhuubow, Saciid Jaamac qoorsheel iyo bahda isboortiga ayaa lagu qabtay Muqdisho

Tartanka ay Hana soo qaban qaabisay oo ah mid ay ka qeyb galeen wadamada Carabta, isla markaana furmay 2-dii bishan, kuna eg 12-ka bishan ayaa waxaa gabdhahii Soomaalida ee ka qeyb geli lahaa loogu diiday warqad ka timid xiriirka kubada kolleyga, oo ahayd in aysan ka qeyb geleynin tartankaasi, taasi oo keentay in bahda isboortiga ay aad uga xumaadaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Nasro Maxamed Maxamuud, Ilhaan Qaasim Cabdi iyo Ibraahim Xuseen Cali Roobme ayaa si wada jir ah u sheegay inay aad uga xunyihiin tallaabada ay xiriirka kubadda kolleyga sameeyeen.

Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiirkii hore ee gaadiidka, kana mid ah bahda isboortiga dalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad u adeegaya horumarinta isboortiga dalka lagu dhiiri gelin waayo waxyaabaha ay soo diyaariyeen, waxaana uu intaa raaciyay in Wasaaradda Isboortiga looga baahanyahay inay doorkeeda ka qaadato arrinta dhacday.

Wasiir ku-xigeenka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda ay tallaabo cad ka qaadi doono dadkii ka horyimid horumarka isboortiga dalka, isagoo Hana Xasan uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay gabdhaha kubadda kolleyga, uuna ku dhiiri gelinayo in aysan ka niyad jebin kaalinta ay ku leedahay horumarka isboortiga.

“Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in dad u istaagan horumarinta isboortiga la niyad jebiyo oo laga hor istaago horumarka isboortiga, waxaana Hana Xasan Mire uga mahadcelineynaa dadaalka ay u gashay horumarinta isboortiga” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Isboortiga

Tartanka wadamada carabta oo ay soo diyaarisay Hana Xasan in Soomaalida ay u matalaan gabdhaha kubadda kolleyga ayaa ah mid lagu doonayay inay lagu soo saaro naadiyada dalalka carabta, waxaana jiray gabdho Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda ka socday oo tartankaasi ka qeybgeli lahaa, hayeeshee warqad ka soo baxday xiriirka kubadda kolleyga ay sababtay in gabdhuhu ay ka qeyb geli waayaan, taasi oo ka hor imaan karta horumarinta isboortiga dalka.

vlcsnap-2016-02-04-07h21m00s156 vlcsnap-2016-02-04-07h21m11s28 vlcsnap-2016-02-04-07h21m24s166 vlcsnap-2016-02-04-07h21m37s19 vlcsnap-2016-02-04-07h22m35s100

vlcsnap-2016-02-04-07h23m09s197 vlcsnap-2016-02-04-07h23m36s208 vlcsnap-2016-02-04-07h24m03s227 vlcsnap-2016-02-04-07h24m20s140 vlcsnap-2016-02-04-07h24m41s80 vlcsnap-2016-02-04-07h24m55s229 vlcsnap-2016-02-04-07h25m33s72 vlcsnap-2016-02-04-07h25m53s36 vlcsnap-2016-02-04-07h26m05s102 vlcsnap-2016-02-04-07h26m14s247 vlcsnap-2016-02-04-07h26m21s97 vlcsnap-2016-02-04-07h26m32s205 vlcsnap-2016-02-04-07h26m36s243

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In