Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiir Dhuubow “Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in la hor istaago horumarinta Isboortiga” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiir Dhuubow “Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in la  hor istaago horumarinta Isboortiga” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan qado ah, isla markaana lagu dhiirigelinayay Hana Xasan Mire oo ah gabar Soomaaliyeed, oo soo diyaarisay tartan kubadda kolleyga ah oo ay ka qeyb gali lahaayeen gabdho Soomaaliyeed oo ka socday dalka Isuta Imaaraadka Carabta balse xiriirka kubadda kolleyga ay horjoogsadeen ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Isboortiga, Cismaan Aadan Dhuubow, Saciid Jaamac qoorsheel iyo bahda isboortiga ayaa lagu qabtay Muqdisho

Tartanka ay Hana soo qaban qaabisay oo ah mid ay ka qeyb galeen wadamada Carabta, isla markaana furmay 2-dii bishan, kuna eg 12-ka bishan ayaa waxaa gabdhahii Soomaalida ee ka qeyb geli lahaa loogu diiday warqad ka timid xiriirka kubada kolleyga, oo ahayd in aysan ka qeyb geleynin tartankaasi, taasi oo keentay in bahda isboortiga ay aad uga xumaadaan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Nasro Maxamed Maxamuud, Ilhaan Qaasim Cabdi iyo Ibraahim Xuseen Cali Roobme ayaa si wada jir ah u sheegay inay aad uga xunyihiin tallaabada ay xiriirka kubadda kolleyga sameeyeen.

Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiirkii hore ee gaadiidka, kana mid ah bahda isboortiga dalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad u adeegaya horumarinta isboortiga dalka lagu dhiiri gelin waayo waxyaabaha ay soo diyaariyeen, waxaana uu intaa raaciyay in Wasaaradda Isboortiga looga baahanyahay inay doorkeeda ka qaadato arrinta dhacday.

Wasiir ku-xigeenka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda ay tallaabo cad ka qaadi doono dadkii ka horyimid horumarka isboortiga dalka, isagoo Hana Xasan uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay gabdhaha kubadda kolleyga, uuna ku dhiiri gelinayo in aysan ka niyad jebin kaalinta ay ku leedahay horumarka isboortiga.

“Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in dad u istaagan horumarinta isboortiga la niyad jebiyo oo laga hor istaago horumarka isboortiga, waxaana Hana Xasan Mire uga mahadcelineynaa dadaalka ay u gashay horumarinta isboortiga” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Isboortiga

Tartanka wadamada carabta oo ay soo diyaarisay Hana Xasan in Soomaalida ay u matalaan gabdhaha kubadda kolleyga ayaa ah mid lagu doonayay inay lagu soo saaro naadiyada dalalka carabta, waxaana jiray gabdho Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda ka socday oo tartankaasi ka qeybgeli lahaa, hayeeshee warqad ka soo baxday xiriirka kubadda kolleyga ay sababtay in gabdhuhu ay ka qeyb geli waayaan, taasi oo ka hor imaan karta horumarinta isboortiga dalka.

vlcsnap-2016-02-04-07h21m00s156 vlcsnap-2016-02-04-07h21m11s28 vlcsnap-2016-02-04-07h21m24s166 vlcsnap-2016-02-04-07h21m37s19 vlcsnap-2016-02-04-07h22m35s100

vlcsnap-2016-02-04-07h23m09s197 vlcsnap-2016-02-04-07h23m36s208 vlcsnap-2016-02-04-07h24m03s227 vlcsnap-2016-02-04-07h24m20s140 vlcsnap-2016-02-04-07h24m41s80 vlcsnap-2016-02-04-07h24m55s229 vlcsnap-2016-02-04-07h25m33s72 vlcsnap-2016-02-04-07h25m53s36 vlcsnap-2016-02-04-07h26m05s102 vlcsnap-2016-02-04-07h26m14s247 vlcsnap-2016-02-04-07h26m21s97 vlcsnap-2016-02-04-07h26m32s205 vlcsnap-2016-02-04-07h26m36s243

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In