Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Muqdisho, 12 February 2014- Wasiir Mudane Mustafa Dhuxulow oo dhowaan xilka Wasiirnimo ku wareejin doona wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyey Geerida naxdinta laheyd ee xalay ku timid Muusikiiste Maxamed Weli Xasan Macow oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi.

Wasiir Mustafa Dhuxulow ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Wasiirka Cusub, kan dowladda, kan Wasaaradda Warfaafinta, kan dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kan Hobolada Waaberi, kan bahda saxaafadda iyo suugaanleyda dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Maxamed Wali Xasan Macow allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq. Maxamed Wali waxuu ka mid ahaa dadka ugu fir-fircoon Hobolada Waaberi oo uu ku adkeystay inuusan dalka ka bixin muddadii 25ka sano ee la soo dhaafay. Waxuuna Waaberi u qaabilsanaa Muusikada, waxuuna ahaa shaqsi howlkar ah oo shaqadiisa ka adag isla markaasna daacad u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa.”

Maxamed Wali ayaa ku sii jeeday dalka Kuwait oo Hobolada Waaberi ay halkaas ku soo bandhigi doonto fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana EEBBE uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii, reerkii, gaar ahaan wiilkiisa Timos oo shaqaalaha Wasaaradda ka tirsan iyo Soomaalidii uu ka geeriyoodayna SAMIR iyo IIMAAN Allaha ka siiyo. AAMIIN

Wasiir Dhuxulow ayaa ugu danbeyntii sheegay, in bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta uu ka geeeriyooday shaqsi ay aad u wada jeclaayeen oo aad u afgaabnaa, howshiisna muuqatay oo mudan in wanaagii uu shacabka iyo dalka u soo qabtay in lagu xuso oo lagu maamuuso.

DHAMAAD

Previous Post

Senator Keith Ellison Oo Ka Hadlay Xawaaladaha Uu Xiray Mareykanka

Next Post

Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha

Next Post
Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha

Ku-xigeenka Ra'isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra'isulwasaaraha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In