|
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Muqdisho, 12 February 2014- Wasiir Mudane Mustafa Dhuxulow oo dhowaan xilka Wasiirnimo ku wareejin doona wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyey Geerida naxdinta laheyd ee xalay ku timid Muusikiiste Maxamed Weli Xasan Macow oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi. Wasiir Mustafa Dhuxulow ayaa yiri โAnigoo ku hadlaya magaceyga, kan Wasiirka Cusub, kan dowladda, kan Wasaaradda Warfaafinta, kan dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kan Hobolada Waaberi, kan bahda saxaafadda iyo suugaanleyda dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Maxamed Wali Xasan Macow allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq. Maxamed Wali waxuu ka mid ahaa dadka ugu fir-fircoon Hobolada Waaberi oo uu ku adkeystay inuusan dalka ka bixin muddadii 25ka sano ee la soo dhaafay. Waxuuna Waaberi u qaabilsanaa Muusikada, waxuuna ahaa shaqsi howlkar ah oo shaqadiisa ka adag isla markaasna daacad u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa.โ Maxamed Wali ayaa ku sii jeeday dalka Kuwait oo Hobolada Waaberi ay halkaas ku soo bandhigi doonto fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana EEBBE uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii, reerkii, gaar ahaan wiilkiisa Timos oo shaqaalaha Wasaaradda ka tirsan iyo Soomaalidii uu ka geeriyoodayna SAMIR iyo IIMAAN Allaha ka siiyo. AAMIIN Wasiir Dhuxulow ayaa ugu danbeyntii sheegay, in bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta uu ka geeeriyooday shaqsi ay aad u wada jeclaayeen oo aad u afgaabnaa, howshiisna muuqatay oo mudan in wanaagii uu shacabka iyo dalka u soo qabtay in lagu xuso oo lagu maamuuso. DHAMAAD |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...












