Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1 (1)Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha oo shir Jaraa’id qabtay  kadib weerarkii khasaaraha badan ka soo gaaray kooxda Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee saakay subixii hore ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in weerarkii saakay  lagu dilay in ka badan 120 dagaal yahan, laguna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jirey qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

“Abaare shantii aroornimo ee saakay Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ayaa waxaa weerar qorshaysan ku soo qaaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday Qaraxyo kadibna dagaal toos ah ayuu isu badelay, inta hadda naloo xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay 120 dagaal yahan oo ka tirsan Nabad-diidka, waxaa sidoo kale la qabtay hubkii ay wateen. Dhanka Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay 10 askari in ay ku dhinteen.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa xusay  dagaalkii saakay dhacay oo ay ka qeyb qaateen Ciidamadda Dawladda Soomaaliya ee deegaanka fariisinta ku leh in kooxaha nabadda diidan khasaarihii ugu ballaarnaa muddooyinkan uu ka soo gaarey, isla markaana Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojin doonaan bishan barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

 —DHAMMAAD—-

 

Previous Post

Madaxweynaha Oo Booqday Dhismaha Safaaraddeenii Hore ee Nairobi oo Dayactir Lagu Wado- SAWIRRO

Next Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo Qodobo kala duwan looga hadlay

Next Post
Ku simaha RW ayaa ka tacsiyeeyey dilkii saaka loo gaystay Marxuum Anwar Xaaji

Shirka Golaha Wasiirrada oo Qodobo kala duwan looga hadlay

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In