Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca “Ciidanka X.D.S  waxay u tababaran yihiin dhowrista Xaquuqul Insaanka” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca “Ciidanka X.D.S  waxay u tababaran yihiin dhowrista Xaquuqul Insaanka” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka carruurta aan weli qaan gaari. waxana uu Wasiirka sheegay in dawladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay UNICEF ee dhigayay in aan la askareyn carruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Mudane Diini ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in  muddooyinkii la soo dhaafay qeybaha kala duwan ee ciidamada tababarada ay baranayeen ugu horeysay la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqul Insaanka.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

Wasiir Difaaca ayaa yiri: “Waxaa xil naga saaran yahay difaaca Xuquuqul-Insaanka, gaar ahaan ciidamadeena in aysan kamid noqon carruurta da’da yar. Sidaad la socotaan Soomaaliya waxay horey u saxiixday heshiis caalami ah oo dhigaya in carruurta da’doodu ay ka yar tahay 18 aan la askareyn”.

“Soomaaliya hadda waa ka gudubtay waqtigii lagu eedeyn jirey ciidamadeedu in ay yihiin carruur iyo wax lamid ah. Dhowr iyo toban sano oo dagaallo sokeeye ay jireen, kadib, maanta waxaan hormuud ka nahay dadka u diyaarsan  dhowrista shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka”.

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqul insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Soomaaliya waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya carruur da’yar, waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

U- qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya  ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Kulanka Wasiirku la qaatay Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir.

C360_2015-11-14-11-34-03-983 IMG_kcz6by IMG_-swoefh received_1114284951917327

Previous Post

Maareeyaha dekadda Kismaayo oo beeniyay in dhuxul laga dhoofiyo Kismaayo

Next Post

Siminaar ku saabsan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Siminaar ku saabsan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Siminaar ku saabsan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In