Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka” ( Sawirro )

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka” ( Sawirro )
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro nabad-diidka, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada horumarka ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen hawlgalka dalka lagaga sifaynayo kooxda Shabaab, isagoo xusay in dhammaan hawlgaladii dhowaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Mudane Diini, ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ay haystaan caqabado dhinaca baahiyahooda ah sida hubka rasasta, isgaarsiinta iyo agabka ciidamada. Wasiirku waxa uu xasuusiyey Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka inay lagama maarmaan tahay dhismaha ciidanka dalka, si ammaanka dalka loo hanto, oo meeshana looga saaro kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah Soomaaliya, dalalka gobolka iyo adduunka oo dhan.

Wasiir Cabqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay isku-dhaf ciidamada oo uu sheegay in hawl wanaagsan laga qabtay, isagoo xusay in la wado qorshaha Guulwade oo lagu qorayo ciidamo ka socda qaybaha dalka oo dhan.

Gen. Diini ,ayaa ugu danbayntii shirka ku guubaabiyey in dalalka saaxiibka ah ay ka dhabeeyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen taageerida dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee ah Soomaaliya xasiloon oo horumar samayneysa.

diini 1 Diini 2 Diini 3 Diini 4

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo xiray wariyaal ka Howlgalayay Galgaduud

Next Post
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo xiray wariyaal ka Howlgalayay Galgaduud

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo xiray wariyaal ka Howlgalayay Galgaduud

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In