Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo qabilay mas’uuliyiin ka socotay hey’adaha samafalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arimaha gudaha oo hadashay dagaalada Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ahna ku-simaha Wasiirka  Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanata xafiiskiisa kulan kula qaatay Mas’uuliyiin ka socday ku dhawaad 60-Hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha samafalka, waxaana uu kala hadlay sida dadka Somaaliyeed looga badbaadin karo abaaro iyo fatahaado la saadaaliyay in 3-da bil ee soo socota ay ka dhici karaan Qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Kulanka oo mudo djhowr saacadood ah socday ayaa la isku dhaafsaday qaabka ugu haboon ee dadka wacyigelin loogu sameyn karo si noloshooda loo badbaadiyo, iyadoo Hay’dihii kulanka ka qeybgalayna ay balanqaadeen inay caawin doonaan dadka laga cabsi qabo inay saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdullahi Jimcaale oo Warbaahinta Qaranka Wareysi siiyay ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Hay’adaha Samafalka ay wadaan dadaalo looga hortagayo qatarta la saadaaliyay inay ka dhici karto Gobolada qaarkood.

Sidookale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ahna ku-simaha Wasiirka Mudane Cabdirashiid Xidig oo kulanka kadib  isna wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Hay’adaha Samafalka iyo Deeq bixyaasha ay u balanqaadeen Dowladda Somaaliya inay ka gacan siinayaan in dadka laga badbaadiyo qatarta fatahaadaha iyo abaaraha laga yaabo inay ka dhacaan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Sodon Hay’ado oo ka shaqeeya Arrimaha Samafalka ayaa khamiistii lasoo dhaafay ka digay in 500,000-900,00 oo ah dadka ku nool Nawaaxiga Webiyada Jubba iyo Shabelle ay qatar ugu jiraan fatahaad ka dhalata dabeysha El-Nino iyo Roobab ay wadato, iyagoona sidoo kale saadaaliyay in Gobolada qaarkood ay ka dhici karaan Abaaro saameyn doona dad fara badan.

Previous Post

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Jawaabay “Diidmada Kenya” ee Dacwadda badda

Next Post

Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

Next Post
Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In