Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo qabilay mas’uuliyiin ka socotay hey’adaha samafalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 10, 2015
in Wararka
0
Wasaaradda arimaha gudaha oo hadashay dagaalada Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ahna ku-simaha Wasiirka  Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanata xafiiskiisa kulan kula qaatay Mas’uuliyiin ka socday ku dhawaad 60-Hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha samafalka, waxaana uu kala hadlay sida dadka Somaaliyeed looga badbaadin karo abaaro iyo fatahaado la saadaaliyay in 3-da bil ee soo socota ay ka dhici karaan Qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Kulanka oo mudo djhowr saacadood ah socday ayaa la isku dhaafsaday qaabka ugu haboon ee dadka wacyigelin loogu sameyn karo si noloshooda loo badbaadiyo, iyadoo Hay’dihii kulanka ka qeybgalayna ay balanqaadeen inay caawin doonaan dadka laga cabsi qabo inay saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdullahi Jimcaale oo Warbaahinta Qaranka Wareysi siiyay ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Hay’adaha Samafalka ay wadaan dadaalo looga hortagayo qatarta la saadaaliyay inay ka dhici karto Gobolada qaarkood.

Sidookale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ahna ku-simaha Wasiirka Mudane Cabdirashiid Xidig oo kulanka kadib  isna wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Hay’adaha Samafalka iyo Deeq bixyaasha ay u balanqaadeen Dowladda Somaaliya inay ka gacan siinayaan in dadka laga badbaadiyo qatarta fatahaadaha iyo abaaraha laga yaabo inay ka dhacaan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Sodon Hay’ado oo ka shaqeeya Arrimaha Samafalka ayaa khamiistii lasoo dhaafay ka digay in 500,000-900,00 oo ah dadka ku nool Nawaaxiga Webiyada Jubba iyo Shabelle ay qatar ugu jiraan fatahaad ka dhalata dabeysha El-Nino iyo Roobab ay wadato, iyagoona sidoo kale saadaaliyay in Gobolada qaarkood ay ka dhici karaan Abaaro saameyn doona dad fara badan.

 

 

Previous Post

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Jawaabay “Diidmada Kenya” ee Dacwadda badda

Next Post

Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

Next Post
Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

Araday shahaaddooyin jamacadeed lagu guddoonsiiyay Galkacyo “Sawirro”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In