Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dubbe “Ciidanka Xoogga Dalka oo soo afjaray duulaan lagu soo qaaday Beladxaawo’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 25, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta “Waa waajib in Warbaahintu ay difaacdo madax bananinada Qaranimada Soomaaliya” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa shaaciyay in ciidanka xoogga dalka ay soo afjaareen duulaan ay xalay saqdhexe Beladxaawo ku soo qaadeen ciidamado ka tirsan dowladda Kenya oo garab siinaya falaago hubeysan, kuwaasi oo doonayay inay magaalada qabsadaan.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in jab xooggan loo geystay, isla markaana gacanta lagu dhigay ku dhawaad 100 ka tirsan falaagada la soo qalday ee duulaanka ku soo qaaday Beladxaawo, isagoo intaa ku daray in si buuxda ay imuinka gacanta dowladda ugu jirto goobihii xalay la soo weeraray.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa jilbaha u dhigay jabhadda falaagada ah ee duulaanka xalay ku soo qaaday Beladxaawo, waxaana shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in laga adkaaday kuwii duulaanka soo qaaday” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tilmaamay in xeerarka caalamiga ah uu diidayo in la soo bandhigo maxaabiista la qabtay.

“Ku dhawaad 100 qof ayay ciidanka gacanta ku dhigeen, balse inaan soo bandhigno waxaa noo diidaya xeerarka caalamiga ah ee dhanka maxaabiista” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa ku daray “Ciidanka xoogga dalka waxa ay xilli kasta u diyaarsanaayeen weerarkasta oo kaga yimaada dhanka cadowga, sidaas ayayna uga guuleysteen, iyagoo gacan ka helaya shacabkooda Soomaaliyeed”.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka hadlayay qasaaraha ka dhashay dagaalka marka laga soo tego jabka loo geystay jabhadda falaagada ah iyo ciidamada Kenya, ayaa sheegay in shacabka ay qasaaro ka soo gaartay oo ay ku dhinteen Hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay, isagoo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qasaaraha shacabka ka soo gaartay duulaanka Soomaaliya lagu soo qaaday.

“Ciidamada Kenya iyo falaagadii la socotay waxa ay bilaabeen markii dagaalka dhulka looga adkaayay inay bartilmaameed ka dhigtaan shacabka iyo goobaha ganacsiga, taasi oo keentay in madaafiicdii ay soo tuurayeen ay ku habsatay Hooyo iyo shan carruur ah, ujeedkuna ahaa inay bur buriyaan xarumaha ganacsiga, dowlad ayaana dabada ku wadatay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa xusay in falaagada ay ku dhuumaaleysatay dabaqa Hormuud, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha Kenya ay ku bartilmaameedsaneyso inay ku bur buriso goobaha ganacsiga.

Wasiirka ayaa baaq u diray wiilasha Soomaaliyeed ee la qalday inay isu soo dhiibaan gacanta dowladda oo aysan markale dhicin in la qaldo.

“Isma dhiibeyno dalkan ayaa difaaceynaa, hal taako oo dalka ka mid ah ma dhaceyso in falaago duulaan ay ku soo qaaddo, hub fara badan ayaan gacanta ku dhignay baaritaano ayaa noo socda oo ah inaan ogaano halka ay ku socdeen iyo cidda soo dirtay” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Previous Post

Maamulka Degmada Hodon oo olole nadaafadeed ka sameeyey qeybo ka mid ah Degmada Hodon “Sawirro”

Next Post

James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “SAWIRRO”

Next Post
James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “SAWIRRO”

James Swan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In