Thursday, February 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dubbe “Dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye meel gabo gabo ah ayuu marayaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dubbe “Dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye meel gabo gabo ah ayuu marayaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta kormeer howleed ku tegay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho ee dhismaha ku socda ayaa tilmaamay in waddadan ay muhiim u tahay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala goosha Gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka.

“Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaan maanta kormeer ku imid, si aan u ogaano shaqada sida ay u socoto, jidkan waxa uu ahaa markii hore, sadex mitir iyo sadex mitir oo labada dhinac ah, balse waxaa hadda la dhisay jid balaaran oo ah 28 mitir oo labada dhinac ah, waana kii koowaad oo laga sameeyo geyiga Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe oo hadalkiisa ku daray “Ku dhawaad 28 kiilo mitir ayaa la dhisay waddada, waxaana hadda joognaa meel Afgooye u jirta 2kiilo mitir”.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026

“Waxqabadku waa wax muuqda oo aad iyo aad u qurux badan, taasoo micnaheedu yahay in aan ka guuleysanay Cadawga hortaagnaa Horumarka dalka”. Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay lacagta ay ku bixisay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay ciidamada Haram-cad oo kaalin weyn ka geystay sugidda amniga.

“Jidkani ma ahan jid mashruurc dhismo oo kaliya, waa halgan, waa dagaal, waa loolan ka dhexeeya Dowladnimada iyo kuwa dowladka diid ah, waxaan maqli jirnay xilligii todobaatanaadka hees tiraahda, Maba doonayaanee inaynu dowlad ahaano, 2021 ayay dad diidanyihiin inuu dalka dhismo oo dowlad noqdo, oo uu helo mashaariic u dhigma, mashaariicda hadda aynu maanta halkan u joogno”ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Wasiirka ayaa xusay in wejiga labaad ay noqon doonto dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar marka laga soo gabo gabeeyo jidka dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Previous Post

Wasiirka Difaaca dalka oo la kulmay Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika

Next Post

Xukumada JFS oo beenisay in ciidanka soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Next Post
Xukumada JFS oo beenisay in ciidanka soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Xukumada JFS oo beenisay in ciidanka soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,...

Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada gudoonka Guddiga ee ay maanta Sameeyeen xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay...

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa ka qeyb galay kulan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In