Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dubbe: “Shirka arrimaha doorashooyinka waxa uu ka dhacayaa xarunta Afasiyooni ee ciidamada cirka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dubbe: “Shirka arrimaha doorashooyinka waxa uu ka dhacayaa xarunta Afasiyooni ee ciidamada cirka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’antahay qabashada doorsaho xor iyo xalaal ah, iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka uu markale ku baaqay in laga qeyb galo shir looga hadayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo 22-ka bishan ka furmaya xarunta Afasiyoone ciidamada cirka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu waxa uu soo saaray bayaan ah in la isugu yimaado shir, kana dhacayo Afasiyoone, dowladda waxa ay diyaar u tahay in doorashada la dhameystiro wixii ka dhiman, shirkana waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah”. Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xusay in Xukuumadda ay soo saartay go’aanno kale oo lagu xoojinayo go’aankii hore ee ay soo saartay ee ahaa in la yareeyo isu imaatannada goobaha dadka ku badanyihiin, isagoo xusay in muddo labo todobaad oo horleh lagu daray go’aankii hore.

“Macalimiinta Iskuulada iyo dugsiyadada waxaa laga rabaa inay qaataan talaalka looga hortagayo COVID-19 muddo labo todobaad gudahooda ah, waxaa kaloo uu Maamulka Gobolka Banadir diyaariyay ilaa iyo 90 goobood oo loogu talagalay in laga qaato talaalka”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ciidamada ammaanka faray inay gutaan waajibaadka kaga aadan go’aanada ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu faray Maamulada Hoteelada, Garoomada diyaaradaha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado inay ilaaliyaan kala fogaanshiyaha oo ay racaan tilmaamaha caafimaadka la xiriira.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay go’aanada ka soo baxa maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isla markaana ay ka dhowrayaan natiijada ka soo baxaysa, waxaana uu wax lagu xumaado ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Kenya oo baalsan hannaanka diblomaasiyadda.

“Waxaan ka hadlayaa warqad shalay Kenya ka soo baxday, waxa ay ka turjumeysaa mid aan ku saleysneyn nidaam diblomaasi ah, wey tegi weeyeen Maxkamadda, go’aanka Maxkamadda waan taageersanahay, qodobka ay cusnanayaan waa mid waxba kama jiraan ah, waayo Golaha shacabka aqlabiyad ayay ku diideen” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenada Soomaaliya u doodayay.

 

 

Previous Post

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanno hoostaga Afgooye “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In