Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Duraan Faarax: “Dalkeenna wuxuu is beddel ku gaari kara dib u heshiisiin iyo midnimo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Duraan Faarax: “Dalkeenna wuxuu is beddel ku gaari kara dib u heshiisiin iyo midnimo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug maanta kaga qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo maamulka degmada Galdogob.

Kulankan oo qado ahaa ayaa lagu boggaadiyay dadaallada wasiirka ee ku aaddan nabadeynta ,dib u heshiisiin iyo horumarinta gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan qeybaha bulshada oo isugu jiray, aqoonyahanno,dhallinyaro iyo haween.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

“Duraan saddex bilood ka hor wuxuu gobolka Mudug joogay muddo dheer isagoo waqtigaa u bixinayay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada gobolka, maanta oo uu wasiir soo noqday wuxuu inoo yimid isagoo sida barnaamijyo horumarineed oo bulshada nugul,beeralayda iyo dan’yarta taageeraya,waxaan qirayaa inuu yahay qof ay ka go’antahay is beddel ka dhaca gobolka, waxaan u sheegaya inay bulshada gobolka jecelyihiin oo ay garabkiisa joogsanayaan.” ayuu yiri Suldaan Maxamed Axmed Faarax.

Caaqil  Cali Ciise Cali, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa  sheegay qodobbo dhowr ah oo uu ku ammaanay wasiirka inuu ka qabtay gobolka Mudug.

“Gobolkan iyo deegaankan wuxuu u baahanyahay qof sida Duraan Faarax oo kale ah kuma ammaaneyno balse isagoo oo aan xil heyn waxaan ogeyn sida uu dadaalka iyo mas’uuliyada isaga saarayay in laga gudbo marxaladihii kala duwanaa ee deegaankan ka dhacay, sida horumarinta waxbarashada,dhallinyarada iyo nabdeynta.” ayuu yiri Caaqil Cali Ciise.

Wasiir Duraan ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka,waxgaradka, qeybaha bulshada ivo maamulka degmada Galdogob maamuska ay ku soo dhaweeyeen , wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay howlihii uu gobolka ka hayay ee nabadeynta iyo horumarinta ay ugu horreysay inuu labo jibbaari doono.

“Maanta waxaan mas’uuliyad u qaadday bulshada Soomaaliyeed iyo dadka gobolka, waxaan mar walba diirrada saarayay in guud ahaan dalka uu ka dhaco is beddel horumarineed oo wax u tara dalka iyo qeybaha bulshada, taas ayaan hadda xoojin oo aan doonaya inan labo jibbaaro, waxaan dadaalka u bixinayay waxaan fahansanahay sida ay dalka iyo dadkeenna muhiim ugu tahay midnimada iyo wadajirka.” ayuu yiri wasiir.

Wuxuu soo hadal qaatay barnaamijyo horumarineed ee deegaanka dhowaan ka fulaya, wuxuuna kula dardaarmay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka in la xoojiyo midnimada ,dib u heshiisiin iyo caddaaladda.

“Degmada Galdogob waxay dhowaan odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada heli doonaan dhisme u gaar ah , dhallinyarada iyaguna waxaan ugu bishaareynaya inuu meel wanaagsan noomarayo dadaalka dib loogu dhisayo dugsiga farsamada gacanta ee degmada, waxaa sidoo kale socda sidii bulshada deegaankan ay u heli lahaayeen garoon diyaaradeed oo baahidiisa ay ka jirto dhulkan.” ayuu raaciyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkan socdaal shaqo ku jooga deegaannada Puntland, wuxuuna kormeer ku tagey deegaanno miyi ah iyo tuullooyin ay ka socda labada mashruuc ee taageeraya qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameeyay.

 

 

Previous Post

Deputy Foreign Minister Mohamud Siraji reformulates the organizational structure of the Foreign Ministry

Next Post

Booliska gobalka Bari ayaa sameeyay howgal amaanka lagu xaqiijinayo

Next Post
Booliska gobalka Bari ayaa sameeyay howgal amaanka lagu xaqiijinayo

Booliska gobalka Bari ayaa sameeyay howgal amaanka lagu xaqiijinayo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In